Masar iyo Eritrea oo ka horyimid damaca Itoobiya ee Badda Cas.

Image

Qaahira – Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira uga wada hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo isku dubbaridka mowqifyadooda ku aaddan arrimaha gobolka, xilli Itoobiya ay sii waddo dadaallada ay ku doonayso inay ku hesho marin-badeedka Badda Cas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa bogaadiyay natiijooyinka booqashadii uu Madaxweyne Isaias Afwerki ku tagay Masar, isagoo sheegay inay sii xoojisay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Wuxuu caddeeyay in Masar ay si buuxda u taageersan tahay ilaalinta madaxbannaanida Eritrea, midnimada dhulkeeda iyo xoojinta xiriirka labada shacab.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyadoo diiradda la saarayo maalgashiga, gaadiidka badda, isku xirka dekedaha, horumarinta iyo casriyeynta dekedaha Eritrea, macdanta, kalluumeysiga, warshadaha dawooyinka, guryeynta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladaha Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Suudaan. Masar ayaa sheegtay in amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika ay si toos ah ula xiriiraan amniga qarankeeda, iyadoo ku baaqday in la taageero hay'adaha dowliga ah, lana ilaaliyo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka.

Masar iyo Eritrea ayaa si cad u adkeeyay in amniga iyo maamulka Badda Cas ay yihiin mas'uuliyad gaar u ah dalalka xeebaha leh, iyagoo diiday isku day kasta oo ay dalal aan xeeb ku lahayn Badda Cas ku doonayaan inay door ku yeeshaan ama ku helaan marin-badeed si ka hor imanaya sharciga caalamiga ah. Mowqifkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Itoobiya ay si isa soo taraysa u muujinayso rabitaankeeda ah inay hesho marin-badeedka Badda Cas, arrin sii kordhisay walaaca ka taagan gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles