Masar iyo Sudan oo Wadajir uga Hor Yimid Biyo-xireenka webiga Niil ee dalka Itoobiya
Qaahira, Masar – Dowladda Masar iyo Suudaan ayaa xoojiyay wada-shaqeyntooda ku aaddan amniga biyaha, xilli Itoobiya qorsheyneyso inay si rasmi ah u furto biyo-xireenka weyn ee lagu muransan yahay (Grand Ethiopian Renaissance Dam – GERD) 9-ka Sebtembar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waraabka ee Masar Khamiistii.
Wasiirka Biyaha iyo Waraabka ee Masar, Hani Sewilam, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Suudaan, Ismat Qureshi, si ay uga wadahadlaan mashruuca biyo-xireenka iyo iskaashiga ku saabsan wabiga Nile. Sewilam ayaa carabka ku adkeeyay "muhimadda ay leedahay in si buuxda loogu hoggaansamo sharciga caalamiga ah ee biyaha" marka la maareynayo mashruuca Itoobiya, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda.
Biyo-xireenka weyn ee korontada dhaliya ayaa Itoobiya ka dhistay wabiga Blue Nile, oo ah laanta ugu weyn ee wabiga Nile, iyada oo ay si adag uga soo horjeesteen Qaahira iyo Khartuum. Labadaasi dowladood ayaa dalbanaya heshiis sharci ah oo waajib ah oo qeexaya sida loo buuxinayo loona howlgelinayo biyo-xireenka.
Wadahadallada saddexda dal ayaa socda muddo ka badan toban sano iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin. Masar ayaa sanadkii hore joojisay wada-xaajoodyadii, iyada oo ku eedeysay Addis Ababa in aysan muujin doonin rabitaan siyaasadeed.
Kulanka labada wasiir ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii uu dhacay wareeg kale oo wadatashi ah oo loo yaqaan “2+2” oo u dhaxeeyay wasiirrada arrimaha dibadda iyo kuwa waraabka ee labada dal. Bayaanka wadajirka ah ee kulankaas ayaa lagu sheegay in biyo-xireenka GERD uu "halis joogto ah ku yahay xasilloonida bariga dooxada Nile" islamarkaana ay ugu baaqeen Itoobiya inay beddesho siyaasadeeda si dib loogu soo celiyo wadashaqeynta.
Mas’uuliyiinta Masar iyo Suudaan ayaa sidoo kale xaqiijiyay mowqifkooda mideysan, iyaga oo sheegay in amniga biyaha ee labada dal ee wabiga hoose uu yahay mid aan la kala qeybin karin, waxayna si adag uga soo horjeesteen “wax tallaabo ah oo hal dhinac ah” oo laga qaado wabiga Nile.
Safiir Salah Halima oo ka tirsan Golaha Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegay in qorshaha Itoobiya ee furitaanka biyo-xireenka iyada oo aan heshiis jirin uu yahay “dhiirrigelin xanaaq leh,” isagoo intaa ku daray in Masar aysan ka qeyb gali doonin xafladda furitaanka.
“Qaahira iyo Khartuum waxay ku mideysan yihiin diidmada siyaasadaha hal dhinac ee Itoobiya,” ayuu Halima u sheegay wargeyska Asharq al-Awsat.
Dhanka kale, Maxamed Jabaara, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Ururka Saaxiibtinimada Suudaan-Masar, ayaa sheegay in wadahadalladii ugu dambeeyay ay dhaleen “natiijooyin wax ku ool ah oo ujeedkoodu yahay ilaalinta xuquuqda biyaha ee labada dal.”
Wasiirrada waraabka ayaa sidoo kale dib u eegay shaqada guddiga farsamada joogtada ah ee labada dal u qaabilsan biyaha wabiga Nile, sida lagu xusay warbixinta Wasaaradda Waraabka ee Masar.
GAROWE ONLINE