Saraakiil WHO u qaabilsanaa howlaha la tacaalida Covid-19 oo la eryay

Image

GITEGA, Burundi – Dowladda Burundi ayaa ku amartay madaxa hay'adda caafimaadka aduunka u jooga dalkaas iyo saddex khabiir kale oo isku dabaridayey la tacaalida Coronavirus in ay ka baxaan wadankaas.

Mas'uuliyiinta la eryay ayaa kala ah; Dr Walter Kazadi Mulombo, wakiilka WHO, Dr Jean Pierre Mulunda Nkata, isu duwaha dalkaas ee arrimaha Covid-19, Dr Ruhana Mirindi Bisimwa, madaxa cudurada faafa, iyo xeel-dheere arrimaha sheybaarka tijaabada xanuunkaas dilaaga ah, Prof Daniel Tarzy.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa warqada ku taariikheysan 12-ka May loona diray xafiisyadda WHO ee Afrika ku sheegtay in saraakiishaan loo baahan yahay in ay ka hayaamaan dalkaas maalinta Jimcada.

Wakaalada wararka AFP ayaa mas'uul codsaday in aan magacaabin kasoo xigatay "waa guud ahaan kooxda WHO ee qaabilsanaa in ay Burundi ka taageeraan jawaabta ay ka bixineyso la dagaalanka Covid—19".

Sidda laga soo xigtay warbixino horudhac ah, mas'uuliyiinta la eryay waxaa lagu eedeeyay "faragelin aan la aqbali karin oo ay ku sameeyaan howlaha maareynta dowlada ee cudurka".

Warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaanan lagu xusin sababta loo eryayo mas'uuliyiinta. Balse, illo wareedyo diblumaasiyadeed waxay xaqiijiyeen in isku day noocaan ah uu dhacay bil kahor.

Talaabadan aan horey digniinta looga bixin ayaa kusoo beegmeysa maalmo kahor inta dadka Burundi aysan u dareerin doorashooyinka madaxtooyadda, baarlamaanka iyo dowladaha Hoose ee 20-ka bishaan May.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM