Maxaan u dabbaaldegayaa?: Museveni oo diiday guusha Arsenal, baaqna u diray dadka Afrika
KAMPALA, Uganda — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa dhaliyey hadal-hayn iyo dood xooggan ka dib markii uu iska fogeeyey baaqyada ku aaddan inuu ku biiro dabbaaldeggeyaasha naadiga Arsenal oo ku guuleysatay horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League (xilli-ciyaareedka 2025-26).
Museveni ayaa sheegay in reer Afrika ay tahay inay diiradda saaraan shaqo-abuurka, horumarka, iyo ciribtirka saboolnimada halkii ay ku mashquuli lahaayeen kubbadda cagta Yurub.
Madaxweyne Museveni ayaa muujiyey layaab ka dib markii uu ogaaday in dadka qaar ay ka filayeen inuu u dabbaeldego guusha Arsenal.
"Way i casuumayaan. Maalintii dhowayd waxay dadku ii sheegayeen inay i casuumayaan. Mid ka mid ah dadkayga ayaa iigu yeerayay wax la yiraahdo Arsenal," ayuu yiri Museveni oo intaas raaciyey: "Waxaan iri, 'Waa maxay Arsenal?' Waxaa la igu yiri waa naadi kubbadda cagta ah oo Yurub ah oo aanan garanayn wax ay sameeyeen, waana inaan u tago dabbaaldeg. Maxaan u dabbaaldegayaa?"
Hoggaamiyaha Uganda ayaa xusay in inkasta oo uu isagu mar ahaan jiray ciyaaryahan kubbadda cagta ah, uu ciyaartaas ka haray tobanaan sano ka hor si uu xoogga u saaro arrimaha masiiriga ah ee saameeya dadka u dashiisa.
"Aniguba waxaan ahaa ciyaaryahan. Qofna wax iiga sheegi karo kubbadda cagta ma jiro, laakiin waxaan kubbadda ka tagay sanadkii 1966-dii. Waxaan joogaa Uganda. Waxaan ka fekerayaa xoreynta, saboolnimada, iyo shaqooyinka. Sidaas darteed, caadi ah, waad yeelan kartaan Arsenal-tiinna iyo waxyaabahaas, laakiin marka hore ku billaaba dadkiinna, fadlan." ayuu yiri Museveni.
Wuxuu sidoo kale isweydiiyey sababta ay reer Afrika ugu dhex milmeen dhaqanka kubbadda cagta shisheeye, xilli bulshooyin badan ay weli la dhibtoonayaan dhibaatooyin dhaqaale, wuxuuna yiri: "Sidee u dabbaaldegaysaan naadiyo reer Yurub ah iyadoo dadkiinnu aysan haysan horumar?"
Hadalada dhiirran ee Museveni ayaa ku soo beegmay xilli taageerayaasha Arsenal ee guud ahaan Bariga Afrika ay u dabbaaldegayeen guushii taariikhiga ahayd ee naadiga reer London, taas oo soo afjartay sanado badan oo niyad-jab iyo guuldarrooyin dhow dhow ah.
Tusaale ahaan dalka deriska ah ee Kenya, Madaxweyne William Ruto iyo madax kale oo badan ayaa u hambalyeeyey kooxda Arsenal, iyagoo ku ammaanay dulqaadka iyo joogteynta ay muujiyeen. "Riyooyinkayagu waa dib u dhici karaan, balse weligood ma dhimanayaan. Hambalyo Arsenal," ayuu yiri Madaxweyne Ruto.
Dabbaaldeggan weyn ee taageerayaasha ayaa yimid ka dib markii Arsenal ay ku guuleysatay horyaalkeeda ugu horreeyay ee Premier League, ka dib saddex xilli ciyaareed oo ay kaalinta labaad ku dhamaysanaysay, oo ay ku jirto sanadkii dhowaa ee 2023-24 oo ay koobka ku weydday kaliya laba dhibic oo ay ka sarreysay kooxda Manchester City.
Tababare Mikel Arteta ayaa sidoo kale taariikhda galay, isagoo noqday xiddigii ugu horreeyay ee hore uga ciyaaray Premier League oo haddana tababare ahaan ugu guuleysta horyaalka naadiga Arsenal, ka dib markii uu kooxda u soo ciyaaray intii dhexaysay sanadihii 2011 ilaa 2016.
GAROWE ONLINE