Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Image

ADDIS ABABA – Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay wararka sheegaya in dowladda Israel ay wakiil diblomaasiyadeed u magacawday deegaannada iskeed isku madax-bannaanaysay ee Somaliland.

Bayaan rasmi ah oo maanta ka soo baxay xarunta ururka ee Addis Ababa, ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu walaac xooggan ka qabo tallaabadan, isagoo ku tilmaamay mid ka horimaneysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ururka ayaa mar kale ku celiyay in Somaliland aysan u aqoonsanayn dowlad madax-bannaan, iyadoo la raacayo xeerka dhismaha ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin, waxaana ay ka digeen in faragelinta noocan oo kale ah ay khatar weyn ku tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii dhamaadkii sanadkii hore ay Israel shaacisay aqoonsiga Somaliland, taas oo dhalisay caro diblomaasiyadeed oo ballaaran.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Israel inay ka laabato go’aankan, iyagoo ku nuux-nuux saday inay ka go'an tahay taageerada dowladda federaalka Soomaaliya iyo wadajirka qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM