Midowga Afrika oo xayiraad kusoo rogay Suudaanta Koonfureed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika ayaa Suudaanta Koonfureed ka joojiyey xubinimadda urur qaaradeedkaas kadib markii Juba ay ku fashilantay bixinta qaaraan-sanadeedka oo wadar ahaan dhan 9 milyan oo Doolar.

Howlgalka South Sudan ee Itoobiya oo Arbacadii qoraal u diray wasaarada arrimaha dibada ayaa ku wargeliyey in dalkan dhaca Geeska Afrika lagu soo rogay xayiraad markii 3 sano oo xariir ah uu bixin waayey qaaraanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Jimcadii xaqiijisay xayiraadda Suudaanta Koonfureed ee kamid ahaanshiyaha ururka Midowga Afrika.

Hakim Edward, ku xigeenka afhayeenka wasaaradda, ayaa xusay in xayiraadda aysan si toos ah u cirib-tireyn xubinimada Suudaanta Koonfureed, balse ay kaliya tahay mid looga joojiyey ka qeyb-qaadashada kulamada AU-da.

"Waxaan jeclaan lahayn in aan ku wargelino dadweynaha Suudaanta Koonfureed in ay tahay mid kamid ah wadamada uu xayiraada kusoo rogay Midowga Afrika sabab la xiriirta qaaraanka sanadlaha," ayuu ku yiri bayaan.

Wuxuu raaciyey: "Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa jeclaan lahayd in ay dadweynaha u wargeliiso in ay ka shaqeyneyso sidii ay u xalin lahayd qadiyadan oo ah mid aan kaliya aan quseyn AU-da, balse ururada kale".

Bishii July 27-deeda sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii Suudaanta Koonfureed ay noqotay dalka 54aad ee xubinta ka ah Midowga Afrika; waddankaan colaaduhu la dageen wuxuu ka go'ay Suudaanta weyn kadib dagaalo qaraar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM