Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool South Africa oo wajahaya cabsi iyo weerarro ajnabi-nacayb ah

Image

JOHANNESBURG — Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Afrika, gaar ahaan Pretoria iyo Johannesburg, ayaa wajahaya cabsi xooggan ka dib markii ay kordheen dareenno iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo ajaanibta.

Waddamada Gaana iyo Nayjeeriya ayaa muwaadiniintooda soo saaray digniino degdeg ah, iyaga oo ka codsaday inay ka fogaadaan goobaha ay dibadbaxyadu ka socdaan iyo inay xiraan goobahooda ganacsiga si ay uga badbaadaan rabshado suurtagal ah.

Dibadbaxayaasha ayaa ku doodaya in ajaanibtu ay shaqooyinka ka qaataan dadka maxalliga ah, halka Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu si adag u cambaareeyay weeraradaas, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan naceybka.

Dawladda Nayjeeriya ayaa durba bilowday qorshe ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalka ka baxaan, iyadoo in ka badan 130 qof ay iska diiwaangeliyeen barnaamijkaas ka dib markii ay soo kordheen weerarro nafta looga qaaday muwaadiniin u dhashay Itoobiya iyo dad kale oo Afrikaan ah.

Related Articles

Dimuqraadiyadda Afrika oo hoos u dhacaysa, hoggaamiyeyaashuna awoodda isku koobayaan

Ibrahim ayaa walaac ka muujiyay doorashooyinkii sanadkii ugu dambeeyay ka dhacay Tanzania iyo Uganda.

  • Afrika

    02-11-2026

  • 06:23AM

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM