Kenya oo u gaarsaneysa Muslimiin habeenkii u soo dhuunta Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Muslimiinta Kenya ee ku dhaqan dowlad goboleedka Mandera ayaa si dhuumaaleysi ah kusoo galaya gudaha Soomaaliya si ay kaliya u oogaan Salaada Taraawiixda, sidda uu ku waramay Daily Nation.

Kenya ayaa albaabada u laabtey Masaajida sabab la xiriirta Coronavirus, halka Soomaaliya oo laga helay 722 kiisas ah ay wali furan yihiin.

Kaliya ma ahan Kenya, badi dowladaha Islaamka ee aduunka ayaa xiray Masaajida si looga hortago faafitaan horleh oo caabuqa ka dhasha.

Sidda ku xusan warbixinta jaraa'idka, mas'uuliyiinta Kenya ayaa goobaya shaqsiyaadka sida qarsoodiga ah ku gala Soomaaliya, iyagoo raba in ay oogaan mid kamid ah Salaadaha u gaarka ah Soonka.

Onesmus Kyatha, taliyaha booliska Mandera, ayaa carabka ku adkeeyay in ay karantiili doonan cid kasta oo ka timaada Soomaaliya.

"Waanu la soconaa in ay jiraan dad degan Mandera oo u dhuumanaya Soomaaliya si ay u soo oogaa Salaadaha habeenkii. Waa la xiri doonaa cid kasta, waxaana ay geleysaa 14 maalin oo karantiil ah," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Kyatha oo uga digay muwaadiniinta falalkaas ayaa ku booriyey in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaadka.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ismaamulka Wajeer uu xaqiijiyey in laba qof oo kasoo laabatay Soomaaliya laga helay cudurkaas.

Ganacsatadaas kasoo jeeda Garissa ayaa lagu hakiyey degaanka Diff, oo dhaca sohdinta Soomaaliya-Kenya, xilli ay doonayeen in ay soo galaan gudaha Kenya. Xaaladaha laga helay ayaa heegan geliyey gobolka.

Kenya oo xaqiijisay in ka badan 400 kiisas oo ah Covid-19 oo ay ku jiraan tirro Soomaali ah ayaa xuduud dheer la wadaagta Soomaaliya, taas oo si ku meelgaar ah loo xiray xanuunkaan dunida oo idil ay ka qaylisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM