Qaabka shaqsi ku nool Kenya uu u cabsi geliyey taageereyaasha Trump

Image

NAIROBI, Kenya – Nin degan magaaladda Nyeri ee Kenya ayaa soo jiitay indhaha caalamka isla markaana qabsaday baraha bulshadda muddo laba maalmood ah kadib markii uu soo jeediyey in la gubo Aqalka Cad.

Alex Nderitu ayaa wuxuu oraahdaas dooda dhalisay kusoo bandhigay faalo [comment] uu ka bixiyey muuqaalka dibad-baxayaasha ka careysan dilka ninka madowga ahaa oo askari boolis ah uu ka dambeeyay.

Sarkaalka ayaa qoorta George Floyd oo 46-jir ahaa ku qabtay dhulka xilli uu dhibanaha codsanayay in lasii daayo kuna dhawaaqayay erayo hal-ku-dhiga banaanbaxayaasha noqdey oo ah "ma neefsan karo".

Muuqaalka dilka oo gilgilay baraha bulshadda ayaa noqdey sheekooyinka ugu horeeya ee dadyowga caalamka, taas oo mar kale soo cusbooneysiisay ololaha la dagaalanka takoorka ee ka jira gudaha Mareykanka.

Geerida Floyd oo lasoo wariyey Isniintii lasoo dhaafay ayaa sababtay isu soo baxyo rabashado watay oo ka dhacay gobolo waaweyn oo ay kamid yihiin; Illinois, California, Memphis, Tennessee, Chicago iyo Los Angeles.

Nderitu aya si furan ugu booriyey dadweynaha ku dhaqan ismaamuladaas in ay weeraraan guriga looga armiyo Mareykanka ee Aqalka Cad.

"Hadda guba Aqalka Cad….gedaal uma laaban doono," ayuu kaga feker dhiibtay muuqaalka oo lasoo dhigay barta caanka ah ee Facebook.

Terrence Williams, oo ah jilaa iyo majaajiliste, ayaa ugu baaqay FBI, CIA iyo hay'addaha ee amniga Mareykanka in ay ka hortagaan falkaas.

"Waxaa jira hanjabaad lagu gubayo Aqalka Cad. Waxaa nagu waajib ah in aan badbaadino madaxweyne Trump iyo maamulkiisa. Dhamaan goodiska waa in aan si dhab ah u qaadanaa," ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

Sidda laga soo xigtay wargeyska afka dheer ee Daily Star, Nderitu oo u waramay warbaahin maxali ah ayaa isku sifeeyay "ruux ay ku weyn tahay Afrikaanimada" isla markaana uu cambaareeyay dilka qof madow ah.

"Dadka Madowga ah waa in loola dhaqmaa si lamid ah dadka cadaanka ah iyaddoo aysan jirin faquuq gaar ah," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Ururka Midowga Afrika oo cambaareeyay dilka Floyd ayaa mas'uuliyiinta Mareykanka waydiistay talaabo ka dhan ah saraakiisha ka tirsan bileyska ee ku lug lahaa dhimashadiisa ayna wajahaan cadaaladda.

Afar sarkaal oo lala xiriiriyey geerida ninka madowga ah ayaa shaqadda laga eryay, iyaddoo askarigii sidda tooska ahaa uga dambeeyay dilka xabsi loo taxaabay isla markaana lagu soo oogay dacwad ku aadan dil bareer ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DRC: Dabley afar qof ku dishay goob laga qodo dahabka

Sannadkii hore, sagaal qof oo Shiinees ah ayaa lagu dilay goob kale oo dahab laga qodo.

  • Afrika

    13-05-2024

  • 07:15AM

Dagaalo mar kale kasoo cusboonaadey galbeedka gobolka Darfur

Colaadda Suudaan oo ku saleysan xukun boob ayaa billowday bishii Abriil ee sannadkii hore.

  • Afrika

    12-05-2024

  • 04:51AM