Ra'iisul wasaare laga waayey Covid-19 oo mar kale isbitaal la dhigay

Image

YAMOUSSOUKRO, Ivory Coast – Ra'iisul wasaaraha Ivory Coast, Amadou Gon Coulibaly, oo ah murashaxa xisbiga talada haya ee doorashada madaxtooyada bisha October, ayaa baaritaan caafimaad loogu dhoofiyey Faransiiska.

War-saxaafadeed kooban oo Axadii kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa nan lagu fahfaahin xaalada caafimaad ee Gon Coulibaly.

Gon Coulibaly, oo 61-jir ah, ayaa dhamaadkii Maaj isku karantiilay shaki ku saabsan Coronavirus, balse waa laga waayey colkaas qarsoon.

Wasiirka Gaashaandhiga, Hamed Bakayoko oo kasoo caafimaadey xanuunka bishii hore, ayaa noqonaya ku simaha Gon Coulibaly.

Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa bishii Maaj u aqoonsaday Gon Coulibaly in uu yahay gudoomiyaha xisbiga talada haya ee RHDP si lamid ah murashaxa doorashooyinka soo aadan.

Talaabadaas ayaa ka dambeysay markii xisbul-xaakimka uu kasoo horjeestay in Ouattara uu markii saddexaad isa soo sharaxo.

Ivory Coast ayaa diiwaan-gelisay in ka badan 1,300 kiisas oo ah Covid-19, waana mid kamid ah wadamada ugu badan ee Galbeedka Afrika, intaas waxaa wehlisa 15 dhimasho ah, sidda ku cad macluumaadkii ugu dambeeyay ee cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM