Ruto iyo Hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo cambaareeyay Mareykanka kadib markii Cumar Cartan loo diiday gelitaanka dalkaas

Image

Nairobi – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrikaan ah ayaa si adag u dhaliilay dowladda Mareykanka kadib markii ay u diidday gelitaanka garsooraha Soomaaliyeed ee caanka ah, Cumar Cabdulqaadir Cartan, taasoo ka hor istaagtay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaaraha Koobka Adduunka ee FIFA 2026.

Cumar Cartan, oo 34 jir ah isla markaana loo magacaabay Garsooraha Afrika ee Sanadka 2025, ayaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeyb gala garsoorka Koobka Adduunka.

Sida ay sheegayaan wararka, Cartan ayaa laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Miami kadib markii uu ka soo degay duulimaad uga yimid Istanbul. Waxaa la sheegay in uu ku qaatay in ka badan 10 saacadood xabsi su'aalo lagu weydiinayay, ka hor inta aan ugu dambeyn lagu wargelin in aan loo oggolaan karin inuu dalka galo.

Ilo-wareedyo Mareykan ah ayaa sheegay in go'aanka lagu saleeyay waxa ay ku tilmaameen "walaacyo la xiriira baaritaanno amni", iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay ururro looga shakisan yahay argagixiso. Eedeymahaas ayaa la sheegay in lagu hor keenay intii lagu guda jiray wareysiga xuduudda, hase yeeshee wax caddeyn ah lama soo bandhigin.

Dhanka kale, Cumar Cartan ayaa watay baasaboor diblomaasiyadeed, wuxuuna haystay fiise sax ah oo ay safaaradda Mareykanka siisay kahor safarkiisa, arrintaas oo sii xoojisay su'aalaha laga keenay sababta dib loogu celiyay.

Madaxweyne William Ruto ayaa ku tilmaamay tallaabada Mareykanka ay qaaday mid "qalad weyn oo laga galay Afrika", isagoo sheegay in ay dhaawacayso sumcadda garsooraha iyo dadaallada Afrika ee ka qeybgalka masraxyada caalamiga ah. Hoggaamiyeyaal kale oo Afrikaan ah ayaa iyaguna ku baaqay in Mareykanku bixiyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta ka dambeysay go'aankaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles