Sirdoonka Soomaaliya oo sirta ciidamadda Kenya "siiya" Al-Shabaab

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Mukhaabaraadka dalka Kenya ayaa aaminsan in Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay leeyihiin wadashaqeyn hoose oo qarsoodi ah, sidda uu daabacay jaraa'idka afka dheer ee The Standard.

Joornaalka ayaa mas'uuliyiin uusan magacyadooda soo bandhigin wuxuu kasoo xigtay in iskaashigaas uu ujeedkiisu yahay in la wiiqo howlgaladda ay qaadaan ciidamadda ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

Si gaar ah, wuxuu farta ugu fiiqay in saraakiil sar-sarre oo ka tirsan NISA oo ay tababartay Kenya ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida siiyaan taageero dhanka maaliyadda ah iyo xogo macluumaadka.

Iyaddoo arrintaas ka duuleysa, Kenya ayaa bilowday baaritaan madax-banaan oo ku saabsan "qadiyadaas xasaasiga ah", sidda ku xusan warbixinta.

"Waa arrin weyn. Xiriirka u dhaxeeya hay'adda sirdoonka Soomaaliya iyo Al-Shabaab waa mid toos ah," ayuu yiri mas'uul si dhow ula socda xaaladaan balse magaciisa ka gaabsaday.

1.5 milyan oo Doolar

Wargeyska ayaa xusay in wadasheyntii u dambeysay ee dhexmartay NISA iyo Al-Shabaab ay kooxda argagixisada ah ku heshay 1.5 milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah "si ay weeraro uga fuliso gudaha Kenya".

Sidda ku cad dukumiintiyo uu soo bandhigay wargeyska The Star, Cabdullaahi Kuulane, oo kamid ah saraakiisha sar-sarre ee NISA ayaa ku saxiixanaa lacagtaas.

"Waxay hilmaamsan yihiin in Kenya ay kamid tahay wadamada ka caawiyey Soomaaliya la dagaalanka Al-Shabaab. Balse, talaabooyinka mas'uuliyiinta NISA waxay hurinayaan colaada gobolka," ayuu ku daray.

Majaladda ayaa ku warantay in shaqaaqooyinkii u dambeeyay ee dhacay Mandera iyo Beled Xaawo si lamid ah ciidamada lagu soo daabulay xadka Kenya ay qeyb ka ahayd iskaashiga NISA iyo maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay degaano ka tirsan Mandera ay geysay qalab isgaarsiineed "si ay Al-Shabaab ugu fududaadaan howlgaladda ay halkaas ka fulineyso".

Dhanka kale, hay'adda NISA ayaa nan wali ka jawaabin eedeynta ku jirta warbixinada ay qorayaan warbaahinta maxaliga ah ee Kenya.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2020, Kenya ayaa Al-Shabaab kala kulantay weeraro lagu ekeeyay gaadiid rakaab ah, goobo waxbarasho iyo saldhigyo, balse waxaa looga digay kuwa kale oo loo maleegayo huteelo ku yaala caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM