Soomaali kamid ah dad horleh oo Kenya ay ka heshay safmarka Covid19

Image

NAIROBI, Kenya – Laba shaqsi oo Soomaali ah ayaa kamid ah 124 qof oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay Kenya ka heshay safmareenka musiibadda caalamiga ah ee Coronavirus, sidda ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka.

Ma cadda hadii Soomaalida laga helay cudurka ay ka baxeen gudaha dalka ama in ay ku qaadeen gudaha Kenya. Hase ahaatee, waxay sarre u qaadeysaa tiradda muwaadiniinta uu soo ridanayo xanuunka ee halkaas jooga.

Sidoo kale, waxaanan la ogeyn hadii bukaanadda cusub ay diyaarad ku tageen Kenya ama in ay kasoo gudbeen dhanka xuduudka.

Kenya ayaa kamid ah wadamadda caalamka si gaar ah dalalka bariga qaarada Afrika oo ay deganaanshiyo badan ku leeyihiin Soomaalida.

Kiisaska Covid-19 ee Kenya ayaa sii maraya 2,340, sidda uu xaqiijiyey Mutahi Kagwe, wasiirka caafimaadka oo intaas ku daray in xaaladaha cusub ay 119 Kenyan yihiin, laba Tanzaaniyaan iyo mid Ereteriyaan ah.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee 4-ta May, 2020, bogsashadda waxay gaartay 592, halka geeriduna ay cagacaeyneyso 78 ruux.

Si lamid ah dowladaha kale ee caalamka, Kenya ayaa tan iyo markii uu dilaacay cudurkaan sidda fudud u faafa waxay soo rogtay talaabooyin dhowr ah oo lagu xakameynayo oo kamid yihiin bandow iyo joojinta duulimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM

Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland

Ilaa hadda, Israa’iil iyo Maamulka Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.

  • Afrika

    09-02-2026

  • 09:12PM