Tanzania oo ku dhawaaqdey talaabo aargoosi oo ka dhan ah Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Tanzania ayaa maanta oo Axad ah waxay ku dhawaaqdey in ay gebi ahaanba xirtay xuduudka ay la wadaagto dhigeeda Kenya. Wasaaradda Caafimaadka waxay la xiriirisay Coronavirus.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay kordheen tirada dadka kasoo gudbaya sohdinta ee laga helayo xanuunkaan dilaaga ah isla markaana sidda fudud ku qaadi karaan dad badan.

Go'aankaan ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa maalin kadib markii xukuumadda Nairobi ay talaabo taas lamid ah ay soo bandhigtay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa cuskaday in xadka Tanzania iyo Soomaaliya ay kasoo gudbaan dad badan oo la nool Covid-19. Amarka xiritaanka xuduudka oo waqti cayiman lahayn wuxuu dhaqan-galay isla shalay.

Warbaahinta maxaliga ah ee Kenya ayaa talaabada ay maanta qaadey Tanzania ku tilmaamay "aargoosi". Waxay sheegeen in ay dowladda waddankaas ka caroortay go'aankii shalay oo ay tibaaxeen in aanan lagu wargelin.

Tanzania ayaa laga helay ku dhowaad 600 xaaladood oo ah Coronavirus, balse waxaa hooseysa dadka ka bogsanaya iyo kuwa u dhimanaya.

Kenya waxaa laga soo wariyey ku dhowaad 900 kiisas ah. Dhimashadda iyo bukaanadda ka caafimaadaya waxay gaarayaan boqolaal.

Hogaanka Tanzania ayaa kamid ah madaxda wajaheysa dhaleeceymaha ku saabsan in ay dafirayaan khatarta safmarka Coronavirus, talaabadaas oo Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ka digtay halis ka imaan karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM

Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland

Ilaa hadda, Israa’iil iyo Maamulka Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.

  • Afrika

    09-02-2026

  • 09:12PM