Tirada kiisaska safmareenka fayruska Corona ee Jabuuti oo korortay

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa Khamiista maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay diiwaan-gelisay 156 kiis cusub oo safmareenka Coronvirus ah.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta guud ee xaaladaha Covid-19 ee gudaha waddankaas ay gaartay 519 [shan boqol, toban iyo sagaal].

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, tiradda dhimashadda illaa iyo haatan waa laba; 73 way kasoo kaceen.

Bartamaha bishii lasoo dhaafay ee Maaj sanadkan 2020 ayay ahayd markii ugu horeysay oo Jabuuti ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee cudurkaas halista ah.

Bukaanadii ugu horeeyay ee uu soo ritay caabuqa dilaaga ah ayaa lagu waramay in ay aahaayeen saraakiil ciidan oo Spain ka yimid.

Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalkaas, ayaa todobaadkan ku booriyey shacabka in ay baaqi ku ahaadaan guriyahooda.

Dowladdiisa ayuu carabka ku dhuftay in aysan awood ay kula tacaasho hadii kiisaska ay hataan, taas bedelkeeda dadweynaha ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay raacaan tilmaamaha caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM