Tirada kiisaska safmareenka fayruska Corona ee Jabuuti oo korortay

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa Khamiista maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay diiwaan-gelisay 156 kiis cusub oo safmareenka Coronvirus ah.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta guud ee xaaladaha Covid-19 ee gudaha waddankaas ay gaartay 519 [shan boqol, toban iyo sagaal].

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, tiradda dhimashadda illaa iyo haatan waa laba; 73 way kasoo kaceen.

Bartamaha bishii lasoo dhaafay ee Maaj sanadkan 2020 ayay ahayd markii ugu horeysay oo Jabuuti ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee cudurkaas halista ah.

Bukaanadii ugu horeeyay ee uu soo ritay caabuqa dilaaga ah ayaa lagu waramay in ay aahaayeen saraakiil ciidan oo Spain ka yimid.

Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalkaas, ayaa todobaadkan ku booriyey shacabka in ay baaqi ku ahaadaan guriyahooda.

Dowladdiisa ayuu carabka ku dhuftay in aysan awood ay kula tacaasho hadii kiisaska ay hataan, taas bedelkeeda dadweynaha ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay raacaan tilmaamaha caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM