Trump oo Amar ku bixiyay in Xarun Karantiil Ebola ah laga dhiso Kenya

Image

NAIROBI – Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in militariga Mareykanka uu toddobaad gudihiis ku dhiso xarun karantiil oo cudurka Ebola loogu talagalay gudaha dalka Kenya, sida ay sheegayaan warar iyo ilo dhowr ah oo arrintan xog ogaal u ah.

Qorshahan ayaa yimid iyadoo cudurka Ebola uu si degdeg ah ugu faafayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo qeybo ka mid ah Uganda. Xarunta cusub ayaa la sheegay inay markii hore qaadi doonto 50 sariirood, balse mustaqbalka loo ballaarin karo ilaa 250 sariirood.

Wararka ayaa tilmaamaya in xaruntan loogu talagalay in lagu hayo muwaadiniinta Mareykanka ee laga shakiyo inay la kulmeen fayraska Ebola, halkii dib loogu qaadi lahaa gudaha Mareykanka. Mashruuca waxaa wada fulinaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Pentagon-ka iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha.

Sida lagu daabacay warbaahinta Mareykanka, ciidamada caafimaadka ee dowladda Mareykanka ayaa durba tababar u galay howlgalka, waxaana la qorsheynayaa in qalabka caafimaadka iyo qolalka go’doominta ee gaarka ah loo raro gudaha Kenya.

Dowladda Kenya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin qorshahan, inkastoo Wasaaradda Caafimaadka Kenya ay xaqiijisay inay wada-hadallo kula jirto Mareykanka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya xakameynta Ebola.

Qorshahan ayaa dood xooggan ka dhaliyay gudaha Kenya iyo baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadka reer Kenya ay walaac ka muujiyeen in dalkooda loo isticmaalo xarun lagu karantiilo dadka looga shakisan yahay Ebola.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM