Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay go'aan ka dhan ah Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxay sheegtay in ay xirtay xuduudka caalamiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya, sabab la xiriirta sarre u kaca dadka laga helayo Coronavirus ee sohdinta kasoo talaabaya

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay go'aanka xiritaanka xuduudka ayaa ku dooday in ay si deg-deg ah u soo kordheyso tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka ee ka imaanaya dhanka Soomaaliya.

Kenyatta ayaa sheegay in go'aankan uu saameynayo dadka iyo gaadiidka uu dhaqan-geli doono laga bilaabo 16-ka bishaan May.

Gaadiidka xamuulka oo iyagu la siiyay xaalad gooni ah ayaa lagu waramay in laga baari doonaa cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

Kenya ayaa horey u xirtay sohdinta ay la wadaagto Tanzania. Kaliya todobaadkan gudahiisa, xukuumadda Nairobi waxay soo warisay in 40 qof oo ka kala yimid Soomaaliya iyo Tanzania ay ka heshay caabuqa faafa.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey in ka badan 1,200 oo xaaladood oo ah Coronavirus, iyaddoo dhimashadda ay mareyso 53.

Gudaha Kenya, waxaa laga helay in ka badan 800 xaaladood oo ah fayruskaan dilaaga ah, kaliya maanta waxaa laga xaqiijiyey 49 kiis.

Ugu dameyntii, Uhuru Kenyatta ayaa kordhiyey bandowga guud ahaan Kenya. 21 maalmood ayaa lagu daray. Ciidamadda ammaanka waxaa la siiyey awood dheeraad ah oo ay ku dhaqan-geliyaan go’aanka dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM