Africa oo khatar ugu jirta inay Coronavirus ku wayso 300,000 oo qof
NAIROBI, Kenya - In ka badan 300,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay Coronavirus ugu dhintaan dalalka Africa sababtoo ah diyaar-garow la’aanta dowladaha iyo adeegyada caafimaadka oo liita.
Warbixin cusub oo uu soo saarey gudiga dhaqaalaha Africa “Economic Commission for Africa [ECA]”, ayaa lagu sheegay in qaaradda dadkeeda ay u badan yihiin sabool u nugul cudurada saf-marka ah.
Tira-koob ay si wadajir ah u sameeyeen John Hopkins University iyo xarunta xakameynta cudurada Africa “Africa Center for Disease Control” waxaa lagu soo bandhigay in ku dhawaad 20,000 oo qof uu ku dhacay Covid-19 gudaha Africa.
1,050 oo kamida bukaanada uu soo ritay cudurka ayaa u geeriyoodey, iyadoo ku dhawaad 5,000 ruux ay kasoo bogsadeen, waxaana la saadaaliyay hoos u dhac 1.8% inuu ku imaan doono kiisaska Coronavirus Africa mudooyinka soo aadan.
Laakiin, saameynta dhinaca dhaqaalaha ee uu sababayo Covid-19 ayaa noqonaysa mid baaxad leh, waxaana sabool-tinimo soo wajahi doontaa 27 million oo ku nool Africa, sida lagu shaaciyay warbixinta.
Dalalka sida aadka ah u sameeyay Coronavirus waxaa kamida Egypt, Algeria, Morocco iyo South Africa, oo dad badan oo ku dilay caabuqa, iyadoo ay hogaamiyeyaasha qaaradda qaarkood uga faa’idaysanaya musiibada inay xukunka ku dheereystaan.
Wadanka Lesotho, oo deris la ah South Africa iyo jaziiradda Comoros oo iyana ku taalla Bariga Africa, kuna dhaw Madagascar ayaan laga soo sheegin wax kiisas ah oo la xiriirra Covid-19 illaa hadda.
Hay’adda WHO ayaa walaac ka muujisay xaaladda Africa iyo khatarta Coronavirus-ka ee soo wajahday xilligan, iyadoo aan haysan dalalka qaarkood qalabka cudurka lagu baaro iyo mashiinada neefta siiya bukaanada sambabadooda howlgabka noqda [Ventilators].
Waxay WHO dalbatay $100 billion si wax looga qabto caabuqa Coronavirus, gaar ahaan Africa.
Bariga Africa, wadanka Jabuuti ayaa hogaaminaya dalalka dadka ugu badan uu ku dhacay Covid-19, iyadoo gaartay 700 in ka badan. Kenya ayaa laga diiwaan geliyay 254 kiis iyo 10 dhimasho ah.
Soomaaliya 135 qof ayaa qaba xanuunka, waxaana ku dhintay 7 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka ah maalintii shalay [Sabti, April 18].
Caalamka oo dhan 2.2 milyan oo qof ayuu ku dhacay cudurka, iyadoo ay u dhinteen 155,000, halka ay ka bogsadeen 575,000. Dadka ugu badan waxay ku dhinteen Mareykanka, Talyaaniga, Spain iyo Ingiriiska.
GAROWE ONLINE