Xafiiska Abiy Axmed oo ka falceliyey shilkii diyaaradeed Berdaale

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa si dhow ula socda baaritaanka shilkii diyaaradeed ee Berdaale, 4-tii bishaan May, 2020, sidda uu daabacay wargeyska New York Times.

Jaraa'idka ayaa kasoo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa "in ay wali sugayaan fahfaahina dhacdada".

Mas'uuliyiinta ayaa ku adkeystay in ay ka hadli doonan dhacdada marka lasoo gabagabeeyo baaritaanka saddex geesoodka ah ee socda.

Diyaaradda ku dhacda magaaladaas ka tirsan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay siday shixnad gargaar oo loogu galay ka hortagga Coronavirus, waxayna ka baxday magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Lix qof oo laba kamid ah ay duuliyeyaal yihiin ayaa ku naf-waayey burburka diyaaradda African Express ee laga leeyahay dalka Kenya.

Ciidamadda Itoobiya ee fariisinka ku leh Berdaale oo qirtay in ay iyagu soo rideen diyaaradda ayaa qiil ka dhigtay in ay uga shakiyeen in ay kusoo qaadeyso weerar is-miidaamin iyo in aysan xog ka hayn duulimaadka.

Howlgalka AMISOM iyo wasaaradaha difaaca si lamid ah arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaan.

Shilkaas ayaa kusoo beegmay iyaddoo xilaaftanka u dhaxeeya Muqdisho, Addis Ababa iyo Nairobi uu ahaa biloouinkii lasoo dhaafay mid meeshii ugu sareysay gaarey, isla markaana kala aragti-duwanaan weyn ay jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM