Xiisadda Bariga DRC oo sii xoogeysaneysa, Mareykankuna cambaareeyay Rwanda

Image

NAIROBI- Xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa si degdeg ah ugu sii kordheya Bartamaha Afrika, kaddib dagaallo dib uga qarxay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), taasoo dhalisay dhaleeceyn adag oo ka timid Mareykanka.

Intii uu socday kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii, safiirka Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowladda Rwanda in ay gobolka u jiideyso xasillooni darro iyo colaad, isaga oo sheegay in Kigali ay taageero toos ah siineyso kooxda hubeysan ee M23 ee ka dagaallanta bariga DRC. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in halkii la horumarin lahaa dadaallada nabadda, ay tallaabooyinka Rwanda sii hurinayaan qalalaase iyo dagaal cusub.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli kooxda M23 iyo xoogag la safan ay la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Uvira, oo ku taalla gobolka Koonfurta Kivu, kuna dhow xadka Burundi iyo harada Tanganika. Qabsashada Uvira ayaa ah guushii militari ee ugu weynayd ee M23 tan iyo markii ay horraantii sanadkan la wareegeen Bukavu, sidoo kalena waa markii ugu horreysay ee kooxdaasi ay gaarto xeebaha harada Tanganika, taasoo cadaadis weyn saareysa Burundi, oo ah xulafo muhiim u ah ciidanka dowladda Congo.

Weerarkan ayaa dhacay wax ka yar toddobaad kaddib markii Washington lagu saxiixay heshiis ay Mareykanku dhexdhexaadinayeen, kaasoo ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, iyo Madaxweynaha DRC Félix Tshisekedi. Horumarka degdegga ah ee dagaalka ayaa shaki geliyay awoodda Mareykanka ee dhexdhexaadinta colaaddaan.

Warbixin ay soo saartay Reuters ayaa daaha ka rogtay in la wareegidda Uvira ay la socotay tacaddiyo culus oo loo geystay dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan kufsi wadareedyo, qaarna ay ku lug lahaayeen carruur aad u da’yar. Wararkan ayaa sii xoojiyay walaaca caalamiga ah iyo baaqyada ku aaddan in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagula xisaabtamo mas’uuliyiinta.

Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa dalbatay in cunaqabateyn lagu soo rogo Rwanda, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Paul Kagame inuu si ula kac ah u jebiyay heshiiskii Washington. Sidoo kale, Burundi ayaa si adag u cambaareysay qabsashada Uvira, wasiirka arrimaha dibaddana wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay muujineyso ixtiraam darro loo muujiyay dadaalladii nabadeed ee uu hoggaaminayay Mareykanka.

Dhankeeda, Rwanda ayaa gabi ahaanba iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay, iyadoo dusha u saartay mas’uuliyadda colaadda dowladaha DRC iyo Burundi. Madaxweyne Kagame ayaa sheegay in dagaalku uusan ka dhalan heshiiska la saxiixay, wuxuuna ku adkeystay in dalkiisu weli ka go’an yahay geeddi-socodka nabadda.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa qiray in xaaladdu tahay mid adag, inkasta oo ay sheegeen in Washington aysan niyad jabin. Si kastaba ha ahaatee, isbeddelka degdegga ah ee xaaladda amni ayaa muujiyay xaddidaadda dhexdhexaadinta Mareykanka, gaar ahaan maadaama dhinacyadu ay weli is aamini la’yihiin, halka M23-na aysan si toos ah uga mid ahayn wada-hadalladii ka dhacey Washington. 

Khibrad-yaqaanno ayaa qaba in qabsashada Uvira ay noqon karto imtixaan muujinaya heerka ay Mareykanku diyaar u yihiin inay gaaraan si ay u badbaadiyaan heshiiska Washington, xilli ay sii kordhayaan isdhexgalka u dhexeeya arimaha amniga, xasilloonida gobolka, iyo danaha la xiriira macdanta istiraatiijiga ah ee Congo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Eritrea oo Si Rasmi ah Uga Baxday IGAD, Eedeymo Cusubna Jeedisay

Dhinaceeda, IGAD ayaa sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka Eritrea ee ka bixitaanka ururka.

  • Afrika

    12-12-2025

  • 06:37PM

Itoobiya oo walaac ka muujisay dhoolatuska ciidan-badeed ee Masar iyo Sucuudiga

Dalalka ka qeyb qaadanaya ayaa xubno ka ah isbahaysiga amniga Badda Cas, oo ay aasaaseen Masar iyo Sucuudi Carabiya.

  • Afrika

    10-12-2025

  • 09:02AM