Xiisadda biyo-xireenka Nile: Itoobiya oo ku eedeysay Masar siyaasadda gumeysiga

Image

Qaahira – Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa sheegay in dalkiisu qaadayo dhammaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah si uu u ilaaliyo danihiisa qaran iyo amniga biyaha, kadib markii Itoobiya ay dhammeysatay dhismaha iyo furitaanka biyo-xireenka weyn ee Webiga Nile.

Sida uu baahiyay Ahram Online, Madaxweyne Sisi ayaa ku tilmaamay maamulka biyo-xireenka Itoobiya mid “mas’uuliyad darro ah”, isagoo carabka ku dhuftay in Masar “uusan si eed la’aan ah ugu fiirsan doonin” xaaladda.

“Kalsoonida ay Masar ku qabto diblomaasiyadda iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah, oo ay ku jirto Mareykanka, looma fasiran karo daciifnimo,” ayuu yiri Al-Sisi isagoo ka hadlayay farriin muuqaal ah oo uu u diray ka qeybgalayaasha Toddobaadka Biyaha 8-aad ee ka socda Qaahira.

Khilaafka u dhexeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan Biyo-xireenka Renaissance ayaa muddo dheer taagnaa, iyadoo Masar ay ka cabsi qabto in mashruucaasi uu dhaawacayo xuquuqdeeda biyaha Nile.

Dhanka kale, Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Itoobiya oo war-saxaafadeed soo saartay, kama jawaabin toos ah hadallada Al-Sisi balse waxay ku eedeysay Masar inay weli ku socoto "dhaqan aan dhisnayn" oo ka dhan ah Itoobiya.

“Masar waxay sii wadaysaa carqaladeynta wada-shaqeynta iyadoo wali ku dheggan aragtiyo iyo siyaasad ay ka dhaxleen xilligii gumeystaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Itoobiya.

Biyo-xireenka, oo ku kacay $4.2 bilyan, ayaa ah mid Itoobiya u aragto inuu muhiim u yahay horumarkeeda, halka Masar ay uga baqeyso inuu keeni karo culeys weyn oo ku yimaada sahayda biyaha ee dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM