Xiisadda Webiga Niil oo cirka isku shareertay iyadoo Itoobiya Masar ku eedeysay “daciifinta Afrika”
ADDIS ABABA — Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii ugu baaqday Masar inay joojiso waxa ay ku tilmaantay dadaallo lagu doonayo “in lagu abuuro dalal daciif ah oo nugul” gudaha qaaradda Afrika, arrin sii hurisay khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo muranka biyo-xireenka webiga Niil.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu eedeeyay Qaahira inay “si firfircoon ugu howlan tahay wiiqidda waddamada Koonfurta Afrika,” inkastoo aan la soo bandhigin wax caddeyn ah oo ku saabsan eedeyntaasi.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Itoobiya aysan marnaba aqbali doonin “cadaadis iyo olole marin-habaab ah” oo ka dhan ah mashaariicdeeda horumarineed, oo ay ka mid tahay biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).
Hadalladan Itoobiya ayaa yimid kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, uu wareysi uu siiyay barnaamijka BBC Focus on Africa ku sheegay in Masar ay hakisay wadahadalladii Itoobiya ee ku saabsanaa biyo-xireenka, maadaama “aysan wax natiijo ah ka soo bixin.”
“13 sano ayaan isku daynay, waxase muuqata inaan waxba ka soo bixin,” ayuu yiri Abdelatty. “Hal sano ayaa laga joogaa markii aan wadahadallada joojinay, natiijona lama gaarin.”
Abdelatty wuxuu sheegay in Masar ay dooneysay “heshiis iskaashi oo labada dal dan u ah,” balse wuxuu ku eedeeyay Itoobiya inay si keli ah u dhistay isla markaana u buuxisay biyo-xireenka.
“Itoobiya waxay biyo-xireenka u dhistay si ay iyadu kaligeed u go’aansatay. Tani sharci ma aha, waxayna ka hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri.
Is-weydaarsigan hadallada kulul ayaa markale muujinaya xiisadda joogtada ah ee ka dhex aloosan labada dal, iyadoo Itoobiya ay ku adkeysaneyso in biyo-xireenka GERD uu muhiim u yahay horumarkeeda iyo koronto-soo-saarkeeda, halka Masar ay ka cabsi qabto inuu khatar gelin doono saamigeeda biyaha Niilka oo ay muddo dheer ku tiirsanayd.
GAROWE ONLINE