Xog cusub oo laga helay sida uu Hashim Dhaqane u dilay Deeqa Cabdinuur Qorane 

Image

NAIROBI — Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa Arbacadii, December 3, 2025, bixisay faahfaahin xanuun badan oo ku saabsan sida Hashim Dhaqane, uu u dilay gabadh uu xiriir la lahaa, Deeqa Cabdinuur Qorane, ka dib markii uu horey u geystay saddex dil oo kale.

Sida uu sheegay garyaqaanka dowladda, Gikui Gichui, Hashim Dhaqane ayaa Deeqa si naxariis darro ah u dilay habeenkii October 29–30, 2024, gudaha Valley Heights Apartments ee Lavington, Nairobi, si uu u qariyo raadadka dilalkii hore. Ka dib dilka, ayuu jirkeeda dab ku kariyay, kadibna ku riday bac madow, isagoo ku tuuray Xabaalaha Lang’ata.

Warbixin CCTV ah oo uu maxkamadda soo bandhigay Khabiirka CCTV, Corporal Lawrence Kamau, ayaa muujisay dhacdooyinka cabsi gelinaya. Muuqaallada ayaa muujiyay gaariga yar oo jooga wadada Sixth Avenue, Parklands, saacaddu markay ahayd 04:36:58 subaxnimo, gadaal u socday isagoo maraya wax loo aqoonsaday jir bini’aadam.

Sidoo kale, gaariga ayaa la arkay October 22, 2024, saacaddu markay ahayd 04:37:11 subaxnimo, iyadoo labo qof — nin shaati cad iyo surwaal madow xiran iyo gabar dhar buluug ah — ay u socdeen dhinaca bidix ee muuqaalka kamaradda. Daqiiqado kadib, ninka ayaa kaliya ka baxay goobta.

CCTV kale oo laga helay Quick Mart supermarket oo ku dhow Valley Heights Apartments ayaa muujisay Deeqa oo dukaanka gashay saacaddu markay ahayd 09:19 subaxnimo, isla markaana ka bixisay 09:37 subaxnimo iyada oo alaabooyinka ku sidday bacaha dukaanka.

October 31, 2024, saacaddu markay ahayd 05:59:50 subaxnimo, Hashim Dhaqane, oo shaati madow gacmo-dheer leh iyo surwaal buluug ah xirnaa, ayaa la arkay isagoo laba bac madow sidday — mid yar gacanta bidix iyo mid weyn gacanta midig — isagoo u socda aagga lift-ka, sida uu maxkamadda u sheegay Khabiirka CCTV, Kamau.

“Waxaan si dhow u arkay ninka isagoo hubinaya alaabihii uu sidday intuu sugayay lift-ka,” ayuu Kamau ku cadeeyay markuu maxkamadda ka hadlayay.

Dilkan naxdinta leh ayaa qayb ka ah silsilad dilal ah oo saddex gabdhood kale ay ku dhinteen habeenkii October 21 iyo maalintii October 22, 2024, taasoo bulshada Nairobi ku reebtay cabsi weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo toos u siinaya maalgelin caafimaad Kenya, Marco Rubio oo weeraray ha’adaha caalamiga

Heshiiskan ayaa qayb ka ah waxa Mareykanka ugu yeeray America First Global Health…

  • Afrika

    04-12-2025

  • 09:20PM

Xiisadda Webiga Niil oo cirka isku shareertay iyadoo Itoobiya Masar ku eedeysay “daciifinta Afrika”

Abdelatty wuxuu sheegay in Masar ay dooneysay “heshiis iskaashi oo labada dal dan u ah,” balse wuxuu ku eedeeyay Itoobiya.

  • Afrika

    04-12-2025

  • 10:52AM