Xogtii u dambeysay natiijada doorashada Uganda

Image
Image

KAMPALA, Uganda – Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa Sabtida maanta ah wuxuu shaaciyey in hogaamiyaha mucaaradka dalkaas, Robert Kyagulanyi loona garan-og-yahay Bobi Wine, uu coddeynta madaxtooyadda ka helay codad dhan 3,119,965 una dhiganta 34.62 boqolkiiba.

Sidda ay muujineyso natiijadii ugu dambeysay ee doorashooyinka, xisbiga NRM oo uu hogaamiyo madaxweynaha talada, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa ku hogaaminaya codad badan oo dhan 58.83 boqolkiiba. Waa markii ugu horeysay oo Museveni ka hoos-maro 60 boqolkiiba.

Guddiga doorashooyinka ee xaruntoodu tahay xaafadda Kyambogo ee magaaladda caasimadda ah ee Kampala ayaan wali ka jawaabin sheegasho ka timid Wine oo ah in coddeynta lagu shubtey.

Sikastaba ha noqotee, hadii Museveni sii xijisto hogaaminta coddeynta, wuu guuleysan doonaa isaga oo xukunka hayna 40-sano.

Mr Museveni ayaa, sidda ku cad natiijadii hore ee guddiga doorashooyinka soo bandhigay, wuxuu wadar ahaan haystaa 5,303,831 cod oo kamid ah 9,100,865 qof oo isku-diiwaan-gelisay in ay coddeeyaan.

Codadka la tiriyey illaa 16-ka bishaan Janaayo sanadka 2020 waxaa loogu kala horeeyaa sidda hoos ku xusan;

Musharax madaxweyne

Xisbiga

Wadarta codadka

Boqoleyda (%)

Amuriat Oboi Patrick

Forum for Democratic Change (FDC)

296,645

3.29

Kabuleta Kiiza Joseph

Madaxbanaan

39,802

0.44

Kalembe Nancy Linda

Madaxbanaan

33,129

0.37

Katumba John

Madaxbanaan

32,692

0.36

Kyagulanyi S Robert aka Bobi Wine

National Unity Platform (NUP)

3,119,965

34.62

Nobert Mao

Democratic Party (DP)

49,904

0.55

Mayambala Willy

Madaxbanaan

12,124

0.13

Mugisha Muntu G

Alliance for National Transformation (ANT)

59,505

0.66

Mwesigye Fred

Madaxbanaan

21,841

0.24

Tumukunde Henry K

Madaxbanaan

44,427

0.49

Museveni T Kaguta

National Resistance Movement (NRM)

5,303,831

58.83

       

Codadka saxda ah

9,100,865

   

Codadka aan sax ahayn

336,447

 

3.6% codadka la dhiibtey

Codadka xumaadey

26,704

   

Wadarta codadka

9,347,312

 

51.63 codadka la tiriyey

Dastuurka Uganda ayaa xeerinaya in waajib ay tahay in natiijadda doorashooyinka madaxtinimada lagu dhawaaqo 48 saac kahor inta aan lasoo xirin goobaha cod-bixinta – taasoo ku beegan Khamiista todobaadkan. Museveni wuxuu hogaaminaya Uganda tan iyo sanadkii 1986-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tanzania: Fatahaadyo galaaftay 58 qof labo toddobaad gudahiisa

Afar bilood ka hor, ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay waqooyiga Tansaaniya.

  • Afrika

    15-04-2024

  • 10:29AM

Ruushka oo ciidamo u diray dal xiriirka u jaray Reer Galbeedka

Warbaahinta dowladda Niger ayaa sheegtay in ay la yimaadeen hab casri ah oo difaaca hawada ah.

  • Afrika

    14-04-2024

  • 05:29AM