Zimbabwe oo carro ka muujisay hadalo kasoo yeeray Mareykanka

Image

HARARE, Zimbabwe – Wasiirka arrimaha dibadda wadanka Zimbabwe, Sibusiso Moyo, ayaa xaqiijiyey in uu u yeeray danjiraha Mareykanka, Brian Nichols, kaas oo uu su'aallo ka waydiiyey hadalo kasoo yeeray dowladdiisa.

Moyo oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in uu u caddeeyay safiirka sidda ay xukuumadiisu ugu faraxsaneyn erayadaas.

Bayaanka ayuu ku caddeeyay in hadaladaas ay muujinayaan siyaasadda Washington ee ka dhanka ah Zimbabwe isla markaana ay yihiin kuwa wiiqaya xiriirka labada geesoodka ah ee ka dhaxeeya.

"Zimbabwe ma ahan mana noqon doonto cadowka Mareykanka," ayuu kusoo xiray warka qoraalka ah oo isaga ku saxiixanaa.

Danjire Nichols oo kulanka kadib wariyeyaasha la hadlay ayaa daboolka ka qaadey in uu soo gudoomay dhambaalka loosoo dhiibay.

"Waxaan mar labaad ku booriyay xukuumadda Zimbabwe inay joojiso rabshadaha ay dawladdu waddo ee ka dhanka ah mudaaharaadyada nabdoon, bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaasha shaqaalaha iyo xubnaha mucaaradka iyo inay la xisaabtamaan kuwa mas'uul ka ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dhacaya," ayuu si cad uga dhawaajiyey.

Xiisadda labada dal ayaa ka dambeysay markii lataliyaha arrimaha amniga Qaranka Mareykanka, Robert O'Brien, uu ku sifeeyay Zimbabwe, Ruushka iyo Shiinaha kuwa ka macaasha dhibta Ameerika.

Warbaahinta ayuu u sheegay in wadamadan ay yihiin "cadowga Mareykanka" isla markaana ay ku farxayaan bananabaxyadda ka dhashay dilka George Floyd oo afar sarkaal oo boolis ay ku lug-lahaayeen.

Xiriirka Mareykanka iyo Zimbabwe ayaa hoos u dhacay sanadkii 2002-kii kadib markii Washington ay xayiraad kusoo rogtay dowladdii uu hogaaminayey Robert Mugabe oo ay ku aadeysay xadgudub bini'aadam.

Dhowaan ayay ahayd markii safaaradaha reer Galbeed oo ay ku jirto tan Mareykanka ee Zimbabwe ay cambaareeyeen afduub iyo kufsi loo geystay saddex haween oo mucaarad ah, dhacdadaas oo ciidamadda lala xiriiriyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Axmed oo Isbedel ku sameeyay Xukuumadda Itoobiya

Abiy Axmed ayaa xilka la wareegay sanadkii 2018-kii, waxaana uu tan iyo markii uu ku xadgudbay hogaamiye istiraatiiji ah oo ka tirsan Geeska Afrika.

  • Afrika

    20-05-2024

  • 01:09PM

Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi.

  • Afrika

    19-05-2024

  • 12:12PM