Markii Xeerarkii Caalamiga Ahaa Daciifeen: Somaliland iyo Aragtida Hindiya
Maqaalkan waxa uu falanqaynayaa isbeddel weyn oo ku yimid nidaamkii caalamiga ahaa ee lagu tilmaami jiray “nidaamka ku dhisan xeerar iyo qawaaniin la wada aqbalay”, kaas oo si muuqata u daciifay sannadihii u dambeeyay. Aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland toddobaadkii hore waxa uu noqday calaamad cad oo muujinaysa burburka nidaamkaas, xilli dunidu marayso marxalad ay xoogga iyo danaha siyaasadeed ka hormarayaan xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah.
Go’aanka Israa’iil waxa uu yimid iyadoo dunida inteeda kale ay wajahayso xaalado kala duwan, sida Ukraine oo cadaadis lagu saarayo in ay nabada siisato iyadoo ka tanaasusaysa qaybo ka mid ah dhulkeeda, Shiinaha oo ku hanjabaya in uu xoog ku la wareego Taiwan, iyo Maraykanka oo sanadkii 2025 si dadban hoos ugu dhigay muhiimaddii uu siin jiray xeerarka caalamiga ah. Markii la gaaray 2026, waxa cad in xeerarkii la dejiyay kaddib dagaalkii qaboobaa ay lumiyeen awooddii ay ku xakamayn jireen rabitaanka quwadaha waaweyn.
Aragtida Hindiya iyo guud ahaan qaaradda Koonfur Aasiya, dhacdadani waxay xanbaarsan tahay laba cashar oo culus. Midda koowaad waa in xeerarka caalamiga ahi aysan si toos ah u dammaanad qaadin midnimada dhuleed ee dal. Midda labaadna waa in madaxbannaanida dhuleed aysan ahayn hadiyad ay beesha caalamku bixiso, balse ay tahay hanti siyaasadeed oo u baahan in si joogto ah loo ilaaliyo, lana yareeyo khilaafaadka gudaha iyo cadaadisyada dibadda.
Inkasta oo dalal badan ay cambaareeyeen tallaabada Israa’iil, haddana lama filayo in go’aankaasi dib looga laabto. Israa’iil waxa ay ku dhistay go’aankeeda xisaab danaysi ku salaysan. Somaliland waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo aad u muhiim ah, gaar ahaan marin-biyoodka Badda Cas oo isku xira Badda Mediterranean-ka iyo Badweynta Hindiya. Taasina waxay Israa’iil u aragtaa fursad ay ku hesho marin badeed, ballaarinta doorkeeda amni, iyo saameyn dheeraad ah oo goboleed.
Xisaabtaas danaysiga ah waxay meesha ka saartay aragti hore loo rumaysnaa oo ahayd in marka dal lagu xadgudbo madaxbannaanidiisa ay beesha caalamku si mideysan u garab istaagi doonto. Haddii xeerkaasi shaqeyn lahaa, midnimada dhuleed ee Soomaaliya waxa ay heli lahayd taageero buuxda. Hase yeeshee, jawaabaha dunidu bixisay way kala qaybsanaayeen. Dalal Carbeed qaar ayaa si adag u cambaareeyay, balse kuwo kale oo dano dhaqaale iyo istaraatiiji ah ku leh Somaliland ayaa doortay aamusnaan ama mowqif aan caddayn. Qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa ka hadlay, halka dalal kale oo dano gaar ah leh ay ka gaabsadeen. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, isla markaana raadinaysay marin-badeed ay ka hesho Somaliland, ayaa iyadu aamusan. Hoggaamiyeyaasha Itoobiya ayaa hore u sheegay in “Addis Ababa aysan noqon doonin dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, balse sidoo kale aysan noqon doonin kii saddexaad.
Muddo ka badan 30 sano, Somaliland waxay u shaqaynaysay sidii dal dhab ah oo jira, inkasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsan. Taasi waxay ahayd tanaasul u dhexeeya xaqiiqada siyaasadeed iyo mabda’a sharciga caalamiga ah. Aqoonsiga Israa’iil wuxuu jebiyay isku dheellitirkaas, wuxuuna muujiyay xaqiiqo ay quwaduhu hore u adeegsadeen: marka danaha la taaban karo ay ka hor yimaadaan xeerarka, awoodda ku dhaqanka xeerarkuna hoos ayay u dhacaan.
Qoraagu wuxuu xusayaa in fikradda “nidaam caalami ah oo ku dhisan xeerar” si weyn loo adeegsaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay, balse ay caddaatay in xeerar aan lahayn awood lagu dhaqan-geliyo ay yihiin hadal keliya. Tusaalooyinka ka jira Aasiya, Yurub iyo meelo kale ayaa muujinaya in marka awooddu hadasho, anshaxa iyo xeerarku ay dib u gurtaan.
Hindiya lafteedu kama marna xaaladdan is-diiddan. Inkasta oo ay si adag u difaacdo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka Aasiya, haddana waxay ka taxaddartaa in ay si cad uga hortagto tallaabooyinka ay qaadaan quwadaha ay xiriirka la leedahay. Arrinta Somaliland, New Delhi waxa ay u badan tahay in ay qaadato siyaasad dheelitirnaan ah, iyadoo isku dayaysa in ay ilaaliso danaha ay ku leedahay Badda Cas iyo Geeska Afrika, isla markaana aanay lumin xiriirrada ay la leedahay Afrika iyo Bariga Dhexe.
Qoraagu wuxuu ku soo gabagabeynayaa in dhacdada Somaliland ay daaha ka rogtay dhibaato qoto dheer oo la xiriirta fahamka casriga ah ee madaxbannaanida. Maanta, xuduudaha laguma xadgudbo oo keliya iyadoo la adeegsanayo xoog ciidan, balse sidoo kale waxaa la adeegsadaa cadaadis dhaqaale, maalgashi istaraatiiji ah, iyo saameyn dijitaal ah. Taas awgeed, dalalka yar-yar ma ku tiirsanaan karaan hadallo ku saabsan xeerar caalami ah, balse waa in ay xoojiyaan midnimadooda gudaha, awooddooda difaac, iyo doorkooda hoggaamineed ee gobolladooda.
Ugu dambayn, qoraagu wuxuu tilmaamayaa in Hindiya ay hortaallo saddex arrimood oo mudnaan leh: adkaynta wadajirka gudaha, dhisidda awood cabsi-gelin oo dhab ah, iyo hoggaamin goboleed oo wax ku ool ah. Haddii aan taas la helin, quwadaha waaweyn ayaa ka faa’iidaysan doona khilaafaadka jira, sida ay horeba u samaynayeen.
Qoraaga: C. Raja Mohan- Maqaalkaan waxa uu ku qorey jariidadda The Indian Express.