Afar dan uu Mareykanka u doonayo xiriir uu la yeesho Somaliland

Image
Somaliand waxay wax badan kaga xiran yihiin sida ay ugu lib keenaan doorashooyinka soo socda.

HARGEYSA, Somaliland - Maraykanku waxay sheegeen in ay dan qaran oo wayn ka leeyihiin Somaliland. Waxay soo saareen xeer ay ku doonayaan in ay heshiis iskaashi amni iyo wax wada qabsi la yeeshaan Somaliland, iyaga oo aan aqoonsan.

Danta ayey ku soo koobeen afar qodob oo kala ah

1- Ilaalinta danta Maraykanka iyo xulafadiisa ee marin badeedka Bab-el-Mandeb, iyo dekeda Berbera.

2- In ay noqoto albaab badeedka uu ka gelayo Bariga Afrika.

3- In laga hortago joogntaanka Iiraan ee Gacanka Cadan iyo Awoodda Shiinaha ee gobolka ku xoogaysanaysa.

4- Xaqiijinta ujeedkii ahaa la dagaalanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish

Ka sokow in la bogaadiyey nabadda, iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, waxay ka marag kaceen in ay dimoqoraadiyad ka jirto, doorasho nabad ah talada dalka kula kala wareegeen

Halka ay ku tilmaameen in Soomaaliya inteeda kale ay ka socoto doorasho lagu takrifalayo, nabad-gelyo aan la isku hallayn karin iyo xasillooni darri.

Loollanka quwadaha shisheeye ee la xariira danaha juqraafi siyaasadeed (Geopolitical Intrest) waa kuwo xasaasi ah oo u baahan ka fiirsasho iyo go’aano dheelitiran oo dhinacyo badan laga eegay.

Waxaana taas lagu gaari karaa yagleelida hay’ado ilaalin kara amniga qaran iyo hoggaan aan gebi dhaclayn oo fiira dheeri iyo fogaan aragba leh.

Somaliand waxay wax badan kaga xiran yihiin sida ay ugu lib keenaan doorashooyinka soo socda, Soomaaliyana hoggaanka ka yimaada doorashada dhowaan dhici doonta, iyo sida ay labadaasi iskula jaanqaadaan waxay wax badan ka teri doontaa danaha dadka Soomaaliyeed.

Related Articles

Kororka weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadan: Dayac mise fashil sirdoon?

Waa weerarkii todobaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

  • Maqaalo

    27-03-2024

  • 05:16AM

Askar calooshood-u-shaqeystaal ka howlgala Soomaaliya oo la dhisayo

Imaaraadka Carabta ayaa lagu waramay inuu yagyeelayo guutadan ciidan oo ka kooban 3,000 askari.

  • Maqaalo

    16-03-2024

  • 08:42AM