Aqalka Cad oo Soomaaliya liiska dalalka laga ilaaliyo amniga Mareykanka

Image
In ka badan 500 askar Ameerikaan ah ayaa la aaminsan yahay in ay joogaan gudaha Soomaaliya.

WASHINGON, USA - Mareykanka waxa uu awood u leeyahay in uu khatar walba dhinaca ammaanka ah oo ku wajahan danahiisa ka ilaaliyo meel walba oo aduunka kamid ah xataa Soomaaliya, sidda uu sheegay Aqalka Cad.

In ka badan 500 askar Ameerikaan ah oo isugu jira tababareyaal iyo ciidamo kumaandoos ah ayaa la aaminsan yahay in ay joogaan Soomaaliya ayna fuliyaan howlgalo gaar ah oo ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa waqti-xaadirkan waxaa loo arkaa khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka wallow kooxda ay dhowrkii bilood lasoo dhaafay la kulantey cadaadis xooggan.

Hadalka Washington ayaa yimid ka gadaal markii mid kamid ah wargeysyada afka dheer ee Ameerika laga leeyahay uu daabacay qormo ku saabsan in Afgaanistaan ay kusoo laabatay "gabaad-siinta argagixisada".

Warbixinta lagu daabacay Washington Post ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu rumaysan yahay in tan iyo markii uu ka baxay Afgaanistaan ​​uu dalkan noqdey "goob laga abaabulo weerarada kooxda ISIL".

Fahfaahinta ayaa laga soo xigtey dukumentiyada sirta ah ee laga xaday Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka taasoo uu dusiyey wiil la sheegay in uu dhalinyaro yahay isla markaana xukun suge ah waqti-xaadirkan.

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxda Taalibaan ay u caddeeyeen in aysan ka ogolaan doonin "in ay gabaad-siiyaan kooxaha argagixisada ah".

"Waxaan u cadeynay Taliban inay mas'uuliyad ka saaran tahay in ay hubiyaan inaysan siinin meel ay gabaad ka dhigtaan argagaxisada, hadday tahay Al-Qaacida ama ISIS-K," ayuu Kirby tibaaxay.

Kirby ayaa ku daray: "Waan ku guuleysanay ballanqaadkii madaxweynaha ee ahaa in la sameeyo awood dheeri ah si loola socdo khataraha argagixisanimada, kaliya maahan Afgaanistaan ​​​​laakin meelo kale oo adduunka ah oo khatartaas ay ka soo baxday, sida aan ku sameynay Soomaaliya iyo Suuriya".

Daalibaan iyo Daacish ayaa dagaal goos-goos ah uu ku dhex maray Afgaanistaan. Khubaradu waxay tilmaameen ISIL ay haatan tahay caqabada ugu weyn ee dhanka ammaanka ah ee hortaagan xukuumadda cusub ee Afgaanistaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM