Aragtidda Boqor Charles III ee qadiyadda Falastiin iyo Israa'iil

Image
Socdaalkiisii ​​ugu horreeyay ee rasmi ah ee uu ku tago Daanta Galbeed ee la haysto ayaa dhacay bishii Janaayo 2020.

LONDON, United Kingdom - Boqor Charles III, sida hadda loo yaqaan, wuxuu si toos ah u noqday madaxa boqortooyada ka gadaal markii ay dhimatay hooyadiis Queen Elizabeth II.

Kahor inta uusan taajka la wareegin, wuxuu dhaxal sugaha ugu waqtiga dheeraa ee soo mara taariikhda Ingiriiska maadaama uu xukunka la wareegay isaga oo 73 jir ah.

Qoyska boqortooyada Ingiriiska waxa dastuuriyan waajib ku ah inay ka fogaadaan arrimaha siyaasadda, laakiin marka laga hadlayo gobolka Bariga Dhexe, wax qarsoon maaha in Charles uu xidhiidh dhow la yeeshay qoysaska maamula waddamada Khaliijka muddo tobanaan sano ah.

Sidoo kale, Boqor Charles oo aan la gaban mowqifkiisa arrimaha siyaasadda ayaa waxa uu muujiyay dareen uu u qabo Falastiiniyiinta ku hoos nool gumeysiga Israel.

Socdaalkiisii ​​ugu horreeyay ee rasmi ah ee uu ku tago Daanta Galbeed ee la haysto bishii Janaayo 2020, Charles waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay in uu goobjoog u ahaa "silaca" iyo "dhibaatadda" ay wajahayaan dadka reer Falastiin ee ku hoos jira gumeysiga Israel.

Intii lagu guda jiray khudbadiisa Beytlaxam, Charles wuxuu yiri: "Waa rabitaankayga ugu qaalisan in mustaqbalka uu keeno xorriyad, caddaalad iyo sinnaan dhammaan Falastiiniyiinta, taasoo awood u siinaysa in ay horumaraan oo ay barwaaqo helaan".

Sky News TV ayaa wakhtigaas wuxuu sheegay in khudbaddu ay ka koobnayd "muujinta taageerada ugu weyn ee xubin qoyska boqortooyada ka mid ah uu u muujiyo Falastiiniyiinta".

Sida laga soo xigtay warbixinada, Charles ayaa aaminsan in colaada Israa'iil iyo Falastiin ay tahay "xudunta cadaawadda iyo dhammaan 'sunta la goostay' ee dhammaan dunida Islaamka".

Maadaama haatan uu xukunka qabtey, Charles lama ogga haddii uu isbadal ku yimid mowqifkiisa. Hase ahaatee, ugu yaraan waxaa la filayaa in uu mar kale booqan karo dhulka la haysato.

Dowladda Ingiriiska ayaa xulafo la dhow la ah Israa'iil marka ay timaado qadiyaddaha Bariga Dhexe. Wallow aysan cadaawad toos ah u muujin Falastiiniyiinta, haddana saaxiib uma ahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM