Barta cusub ay ka guntami doonto masiirka doorashadda Puntland

Image
Sidda loo baan-dheeyo murankan cusub ayaa soo afjari karta sumcadda biseylka siyaasadeed ee maamulkan.

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo soo saartey qoraal ka kooban saddex bog ayaa waxay burisay go’aankii Golaha Wakiilada maamulka ee ahaa in muddo hal sano ah ay ku kororsadeen.

War-saxaafadeedka Maxkamadda ayaa waxaa lagu caddeeyay in qo'aanka halka dhinac ah ee sharci-dejiyeyaasha "uu hareer-marsan yahay dastuurka maamulka iyo shuruucda kale ee u taalla dalka".

Mudaneyaasha ayaa muddo kororsiga waxa ay sameysteen kaddib codsi ka yimid Madaxweynaha xilka kasii dagaya Siciid Cabdullaahi Deni kaasoo iclaamiyay in loo laabanayo doorashada 66-da Xildhibaan.

Go'aanka ay qaateen mudaneyaasha ayaa waxa uu waafaqsan yahay soojeedin ka timid odayaal kasoo jeeda SSC-Khaatumo kuwaas oo sheegay in mudaneyaasha hadda jooga ay doortaan madaxwaynaha.

Puntland, maamul goboleed dhisan tan iyo 1998-dii, ayaa todobaadkii u jiheysatay doorasho madaxwayne iyo baarlamaan kadib is-xag-xagasho siyaasadeed oo taagneyd ku dhowaad halkii sano ee ugu dambeeyay.

Hubanti la'aanta doorashadda ayaa soo idlaatay markii todobaadkii hore uu madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ku dhawaaqay in loo laabanayo doorashadda 66-da Xildhibaan kana laabtay cod-bixinta qof iyo codka ah.

Talaabadan ayaa soo gabagabeysay walbahaar badan oo laga qabay in dagaal dhiig daata uu ka imaan karo is-qabqabsiga doorashadda haddii aanan xal degdeg ah gaari dhinacyadda ku loolamaya siyaasadda.

Balse, khilaafka cusub ayaa u muuqata inuu noqon karo bar-bilow sidda loo baan-dheeyo ay jiheyn doonto masiirka siyaasadeed iyo sumcadda doorashadda maamulka Puntland ee sanad walba dhici jirtay 8-da Janaayo.

Dhanka kale, madaxwaynihii hore Puntland ahna Senator Aqalka Sarre, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa shalay waxa uu ku laabtey Garowe, waxaana si weyn usoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo xulka siyaasiyiinta.

Faroole ayaa markii uu xilka hayay waxa uu waqti badan geliyay qabashada doorasho qof iyo cod ah hase ahaatee dib u dhigay markii ay soo baxdey khatar ka dhalan karta haddii horey loogu sii socdo, wuxuuna doortay nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM