Siyaasadda Soomaaliya: Barta madow iyo dhibta soo jireenka ah

Image
Waa mushkilad guud oo kawada taagan dalka balse kalkan ku habsatay maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya waxay ayaa xasilooneyd tan iyo December 18 markaas oo ay dib u soo cusboonaatay dhibaato soo jireen ah oo ku saabsan muddo xileedka madaxda maamul goboleedyadda shanta ah ee federaalka hoostaga.

Dabcan waa bar madow, balse waa mushkilad guud oo kawada taagan dalka balse kalkan ku habsatay maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo kamid ah degaanadda ay joogitaanka ugu badan ku leeyihiin Al-Shabaab ayna go’doomiyeen dhul badan.

Cumar Xaashi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ku matalaya Jubbaland, ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in sababta ka dambeysa muddo kororsiga ay tahay mid wanaagsan, balse ay sumeysay damaca ay ka dhex arkaan siyaasiyiinta.

"Arrinta hadda jirta ayaa ah in la is-waafajiyo waajibaadka dhammaan madaxweynayaasha [xubnaha federaalka]. Waxaa jira kala duwanaansho dastuuri ah oo ku saabsan xilkooda," ayuu u sheegay The East African.

Xudunta jahwareerka

Waxa uu hadalkiisa intaas sii raaciyey: "Tusaale ahaan, qaar afar sano ah, qaar kalena waxay leeyihiin shan sano. Markaa, waxay rabaan inay ka dhigaan muddada shanta sano ah".

Cabdirisaaq Aadan, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Cilmi-baarista iyo Cilmi-baarista Afrika ee Farsight Africa, ayaa aaminsan in jahawareerka haatan jira uu salka ku hayo doorashooyinkii hore ee khaldanaa.

Sidda laga soo xigtey Aadan, sababta kale waa in uusan kala caddeyn kaalinta dowladda dhexe iyo maamuladda xubnaha ka ah federaalka ay ku leeyihiin doorashooyinka.

"Sidoo kale, waxaa jirta su’aal ku saabsan doorka beesha caalamka iyo in uusan jirin ajande cad oo mideysan oo ku saabsan doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah federaalka," ayuu raaciyey.

Tusbax afka furtey

Wuxuu raaciyey: "Haddii muddo kororsi hal dhinac ah loo sameeyo madaxwayneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland waxay horseedi doontaa xasilooni darro siyaasadeed, khalkhal amnio o halis gelinaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab".

Cabdalla Axmed Ibraahim, oo ah agaasimaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Istiraatiijiyadda ee Bariga Afrika, ayaa dhankiisa wuxuu ka digay in haddii ku darsiga loo ogolaado madaxda maamuladda ay isku badali karto tusbax afka furtey.

"Aragtideyda, haddii si habsami leh ay u dhacdo muddo kororsiga Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, waxay dowladda Federaalka bedeli doontaa muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo laga dhigi doono 5 sano," ayuu u sheegay The EastAfrican.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa shir uga furmay Muqdisho Axada maanta ah. Inkasta oo ajanadaha la shaaciyey uusan kamid ahayn, haddana qodobkan waxaa biyo kama dhibcaan ah in uu si ballaaran u hareyn doono doodaha lawada hadli doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM