Duqeymaha Mareykanka oo lala xiriiriyey "caawinta Al-Shabaab"

Image
Hay’adda aan macaash doonka ahayn ee PAX oo kaga leeyahay Netherland ayaa daabacdey warbixintan xasaasiga ah.

WASHINGTON, USA - Warbixin laga qoray duqeymaha Mareykanka la beegsadaan argagixisadda ka howlgasha Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dhibaatooyin naxdin leh oo ay kamid yihiin dil lagu waramay in carruur loo geystay.

Maqaalka oo laga sameeyay baaritaan ay sameysay Hay’adda aan macaash doonka ahayn ee PAX oo kaga leeyahay Netherland ayaa dalbatay in weerarada cirka aan laga fulin goobaha ka baxsan furimaha dagaalka.

Majaladda The Daily Beast ayaa soo koobtey warbixinta oo diiradda lagu saarey Jubbaland, oo ah maamul goboleedka kaliya ee ka jira Soomaaliya kaasoo gobol dhan ay ka maamulaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Yahoo News oo soo xiganaysa fahfaahinta ayaa faallo ay ka diyaarisay warbixintan waxay ciwaan uga dhigtey "Sidda duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah argagixisadda ah u caawiyaan koox argagixiso ah".

Dacaayad iyo xubno cusub

Jubaland ayaa kamid ah meelaha duqeymaha diyaaradaha Maraykanku ay si joogto ah u dhacaan tan iyo markii Ameerikaanku bilaabay howlgaladda ka dhanka ah argagixisadda Soomaaliya sannadkii 2007-dii.

"Saamaynta ay hawlgallada Maraykanka ee ka dhanka ah kooxda ku yeelanayaan shacabka Jubbaland ee aan waxba galabsan ayaa inta badan lagu soo qaadan wararka ugu muhiimsan Soomaaliya," ayay qormaddu tibaaxdey.

Tafaasiisha ayaa intaas ku dartey: "Inkastoo Mareykanku duqeymaha ku dilay hogaamiyeyaal muhiim u ahaa Al-Shabaab, haddana ma aysan baajin awooda kooxda u leedahay in ay qaado weeraro horleh".

PAX oo wareystay shacab ay duqeymuhu saameeyeen, mas'uuliyiin iyo xubno kasoo goostey Al-Shabaab ayaa xustey in "duqeymaha ay dacaayad u yihiin Mareykanka balse kooxda ay xubno cusub ku hesho" maadaama rayid ku dhintaan.

Cawaaqibka aan la qorshayn

"Inkasta oo dadku ay neceb yihiin Al-Shabaab iyo in ay ku hoos-jiraan nidaamkooda, haddana waxay is-waydiinayaan haddii howlgalada cirka ah uu yahay mid sugaya ammaankooda," ayay hoosta ka xariiqdey hay'addu.

Hay'adda ayaa ku dartey: "Waxay u badan tahay in duqeymaha lagu dilo afar illa asaddex xubnood oo Al-Shabaab ah. Hase ahaatee, waxyeeladda shacabka kasoo gaarta ee aan la sheegin ayaa ah mid xad dhaaf ah".

Barakac, burbur hantiyeed, khasaare nafeed iyo dhaawac nafsi ah ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxa ay yihiin cawaaqib aan la qorshayn oo ka dhashay hawlgallada. Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karo sheegashadan.

"Inta badan warbixinta ayaa ku saabsan duqeymo dhanka cirka ah ee la qaaday intii uu jiray maamulkii Donald Trump," ayaa lagu soo afmeeray qormadda oo lagu xusay in waaxda difaaca Mareykanka aysan wali ka jawaabin eedeymahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM