Cunista yaan-yaada bolashey oo sababta cudurka Kansarka – Daraasad

Image

Toyin Aliu, oo ah dhakhtar ku takhasustay nafaqada, kana tirsan Koleejka caafimaadka Tiknoolajiyada ee dalka Nigeria ayaa sheegaysa in cunista Yaan-yaqada bolashey ay sababi karto cudurka Kansarka [Cancer].

Aliu ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee NAN, in hadii Yaan-yada ay in mudo ah raagto ay ku dhalaneyso Bakteeriyo sun ah, taasi oo khatar caafimaad oo aan la mahdin keeni karta hadii la cuno.

"Yaan-yada bolashey ayaa dhalisa Kansar maxaa yeelay waxaa ku abuurmaya unugyo, u badan Fungi [mid kamid ah Bakteeriyada halista ah ee laga helo dhirta iyo xayawaanka]," ayey tiri Aliu.

Dhakhtarada ayaa ku waanisay shucuubta dunida inay is-ticmaalaan Yaan-yada marka ay cusub tahay. "Waan dareemayaa inay qaali tahay, balse, mida jaban waad ka qooma-meyn doono," ayay raacisay.

Soomaalida ayaa aad u adeegsada Yaan-yada marka ay timaado waqti kasta oo kamid ah xiliyada cunta karinta, marka laga reebo qoysaska ladan iyo kuwa dabaqada dhexe, waxaa la sheegaa inay tan duuga ah isticmaalaan reerarka dabaqada hoose ah.

Sida laga soo xigtay tirakoob la sameeyay, qoys walba oo ku nool Soomaaliya oo ka kooban ugu yaraan 10-12, waxaa maalinkii oo dhan ay biishaan wax ka badan 5$, taasi oo ka dhigan nolal aad u hooseysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM