Fadeexad iyo xadgudub "halis gelinaysa" amniga Golaha Shacabka

Image
Horintaan ciidanka Booliska Golaha ee la eryey oo ka dhaxeysaa 275-ta Xildhibaan ayaa la eryin karin hal askari oo ka mid ah ogolaanshiyo la'aan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanadda dunida iyo kan Soomaaliya waxaa xeer caalami ah u ah muddada Baarlamaanku fasaxa ku jiro in aan la qaban karin wax shaqo ah oo ka baxsan howl-maalmeedka baarlamaanka.

Haddii xaalad degdeg ah oo qaranimadeena saameyneysa ay timaado waxa uu xeerku yahay in Guddoonka Golahu u yeero Xildhibaanada si xaaladda degdeg ah ee masiiriga ah loogaga doodo lagana arrinsado, Goluhuna cod aqlabiyad ah ku meelmariyo.

Hadaba maxaa dhacay?

Sharci ahaan Guddoomiye kasta oo yimaada waxa uu xaq u leeyahay in lagu wareejiyo tirada ciidankii Guddomiyihii ka horeeyey u qorneyd, ciidankaas oo tiradoodu tahay 39 Askari oo Guddoomiyaha cusub xaq u yeelanayo.

Sidoo kale, gudoomiyaha cusub ayey ku xiran tahay inuu ciidanka u gaarka ah ee horey u joogey haysto ama qaar bedelo ama dhammaantooda wada bedesho kuwa cusub oo banaanka kala yimaado, laakiin qoondada 39 askari ka badan ma heli karo sabab la xiriirta qoodada miisaaniyada oo intaas ku xadidan.

VIP Protection Police

Waxaa sidoo kale jira ciidan boolis gaar ah (VIP Protection Police) oo tiradooduna tahay 114 askari oo ka dhaxeeya Golaha Shacabka oo dhan, kuwaasoo u tababaran shaqadooda, kala yaqaana xildhibaanada, ilaaliya xarunta iyo xafiisyada Golaha, wadooyinka soo gala & kuwa laga baxo barlamaanka, isla markaasna la soo shaqeynaayey laba baarlamaan (9aad & 10aad), qaarkoodna weeraradii Al Shabaab ku soo qaadey Golaha Shacabka ku dhaawacmeen, qaarna ku dhinteen, ayaa 54 askari ka mid ah 114 askari uu eriyey Guddoonka Barlamaanka sabab la’aan intii fasaxa barlamaanka lagu jirey si gunnadooda oo $200 qofkiiba aheyd loogu bedesho shaqaale ku-meel gaar ah oo si sharci daro ah lagu qorey.

Waxaa xadgudub iyo khatar amni ah in ciidankii amniga booliiska qaabilsanaa ee la eryey aan lagu bedelin ciidan kale oo booliis ah, balse bedelkooda shaqaale rayid ah oo KMG oo guddoonku si gaar ah u soo qorteen.

Horintaan ciidanka Booliska Golaha ee la eryey oo ka dhaxeysaa 275-ta Xildhibaan ayaa la eryin karin hal askari oo ka mid ah iyaddoo aan wax ogolaansho ah aan laga helin Xildhibaanada Barlamaanka iska iska daa in tiro gaareysa 54 askari ah la eryee, sababtoo ah amniga Golaha ayaa halis gelaaya maadaama ay xarunta Golaha iyo wadooyinka soo gala Golaha Shacabka oo dhan ay ilaaliyaan.

Talaabadan Guddoonka ku kacey oo taabaneyso amniga Golaha Shacabka ahna xadgudub xuquuqda ciidanka waa musuqmaasuq iyo xadgudub maamulka Golaha.

Sidaas darteed, waxaan cod dheer ku leenahay guddoonku Golaha waa seddex xildhibaan oo loo doortey in ay barlamaanka haggaan, xaqna uma lahan in ciidanka (VIP protection Police) ay eryaan kuna bedeshaan shaqaale KMG oo sifo sharciga baalmarsan lagu qorey, waxaan Golaha u soo jeedineynaa in arrintaan baaris lagu sameeyo, shaqaalahaas kmg laga saaro liiska shaqaalaha Golaha gebi ahaantood, lana soo celiyo ciidanka amniga barlamaanka ee sida musuqmaasuqa ah looga cayriyey shaqadoodii.


Aragti qormadan waxay ku kooban tahay qofka ku saxiixan oo ah Xildhibaan Golaha Shacabka Saadiq Cabdullaahi Cabdi, kama turjumeyso siyaasadda Garowe Online

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM