Goorma ayaynu gaarnay in ilamada waalidka loo tuuro taageerada shakhsiga ah?

Image

Su’aalaha dhabta ah ee ku mareeysay Fadeexadda Eritrea.


Dadka ka hadlaya baraha bulshada, Idaacadaha iyo Tlefishinada maaha Jaamac Waddani, iyo Xoreeye Qaran-ka FB iyo Twitter nagu eryada ee magac iyo muuq laawayaasha ah. Sidoo kalena maaha hebellada ka baqaya in xillka looga qaado ina adeeradood ku naban albaabada ee sugaya inta laga eryayo sidii ku dhacday Godah Barre iyo qayrkii.

Halkaan Ka Daawo Video- BBC 

Waa waalidiin magac iyo muuq leh oo dalbanaya halkii ay ku dambeeyeen wiilashoodii sannad ka hor looga kaxaystay sheekada beenta ah. Xamar, Galkayo iyo Beledweyne ayay ka soo kala hadlayaan.

Hooyo ayaa leh “albaab walba waa nalaka soo eryay. Haddii aan hadalnana waxa nala ku shabadeeynayaa in aan nahay #AlShabaab ama mucaaradnimo.” 

Bal goorma ayay mucaaradnimadu jariimo noqotay? Ogoobay inta badan waalidiintan markii laga sixiixayay wiilashooda mu’yid ayay ahaayeen waxana dillaallay Ra’iisul-wasaare, wasiir, xildhibaan, taliye ciidan iyo oday dhaqameed. 

Goorma ayayse awlaad la iska qalin-shubateeyo noqotay wax la iskugu hiilliyo?

Goorma ayaynu shacab ahaan gaarnay in aan duudsinno xaqa waalid soo taagan oo u ooynaya beerkii ay dhaleen?

Yeelkeede, su’aalahaa maaha kuwa rasmiga ah ee ku meeraysan dhacdadan ugubka ah.

Sidoo kalena su’aasha rasmiga ah maaha in ay wiilashu dagaal ku dhinteen iyo in kale.

Su’aaluhu waa kuwan:

1- Annaga oo weli ka soo kabanayna dagaal sokeeye oo ka dhashay xukun kali-taliye, welina aan laga heshiin dambiyadii uu gaystay ciidankii hore ee Xoogga Dalka, isla markaana aan meel la isla dhigin qaabka loo dhisayo ciidanka cusub iyo dhaqanka uu yeelan doono...iyada oo intaa iyo xaalado ka badan aan laga heshiin, maxaa keenay baahida ah in ciidankeenna lagu soo tababaro dawladda ugu kali-taliyaysan uguna dib-dhacsan dhan walba caalamka, uguna hoosaysa heerarka lagu cabbiro xuquuqda aadanaha?

2- ciidankaani ma milatari baa mise waa nabad-sugid? Qoritaankiisa-se ma loo maray waddada saxda ah? 

3- Ciidankan ma waxbarasho jaamacadeed buu aaday mise tababar asaasi ah? Labada nooc farqi ayaa ubdhexeeya dhinaca wakhtiga.

4- Maxaa kallifay in laga gooyo xiriirka ay la lahaayeen qooysaskooda? Danta laga leeyahay arrinkaa maxay tahay?

5- Yaa maal-galiyay tababarkaan mase ka muuqataa miisaaniyadda ciidanka?

6- Haddii uu ku fadhiyo heahiisyo laba geesood ama saddex-geesood ama goboleed, barlamaanka ma laga sharciyeeyay?

Yay tahay in ay ka jawaabaan?

1- Ra’iisul-wasaare hore Mudane Hassan Ali Kheyre 

2- Wasiirkii hore ee difaaca 

3- Taliyaha iyo Abaanduullaha CXDS

4- Taliyaha Nabad-sugidda 

5- Guddoonka labada aqal ee barlamaanka

6- Madaxweynayaasha Dawlad-goboleedyada laga soo qoray wiilasha.

7- Dhammaan odayaashii dhaqan, xildhibaannadii iyo shakhsiyaadkii waalidka qanciyay ama damiinka ka noqday.

Mas’uuliyadda ugu wayn ee dabagalka arrinkan waxay saaran tahay saxaafadda. Waxan bogaadinayaa Laanta AfSoomaaliga ee BBC ee warbixintan soo diyaarisay. Waa intaa oo loogala sii dhawaado.

Related Articles

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM

Maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya: Isku-daneysi mise macaash raadin?

Maalgelinta Ankara ayaa si gaar ah u beegsatay waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.

  • Maqaalo

    21-04-2024

  • 06:11AM