Gulufkii Buulo Mareer oo heegan geliyay laamaha amniga Kenya

Image
Kenya ayaa feejignaan ku jirtay tan iyo markii Soomaaliya ay bilowday howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

NAIROBI, Kenya - Laamaha ammaanka Kenya ayaa heegan galay markii Al-Shabaab ay weerar dhiig badan uu ku daaday ku galeen xeradii ciidanka Uganda ee degmada Buulo Mareer gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda laga soo xigtey wargeyska Daily Nation, feejignaanta ugu badan ciidamadda Kenya ayaa ka jirta sohdinta halkaasoo laga hirgeliyey 14 barro cusub oo si weyn loogu diyaariyey ka hortagga weerarada.

"Taxadarka dheeriga ah waxaa qeyb ka ah kormeer joogto ah iyo baaritaan si looga hortago weerarada noocii 2016-kii ka dhacay Ceel Cadde," ayay majaladda afka dheer ku tiri warbixinteeda.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxa uu kusoo hagaagay dhowr maalmood kadib markii xukuumadda Nairobi ay soo warisay in ay ismaamulka Garissa ku fashilisay weerar ay Al-Shabaab dooneysay in ay fuliso.

Howlgalkaas ayaa, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, waxaa lagu dilay ugu yaraan afar dabley ka tirsanaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida kuwaas oo doonayay in ay fuliyaan weerarkaas.

"Kenya ayaa feejignaan ku jirtay tan iyo markii Soomaaliya ay bilowday howlgalka safka ballaaran ee ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab waxayna ka hortageysay in mitidiinta galaan dalkeeda," ayay raacisay.

Ciidamadda Uganda ee ka tirsan howlgalka ATMIS ayaan weli ku soo laaban saldhigga Buulo Mareer. Al-Shabaab ayaa halkaas ku sugnaa tan iyo shalay, sidda ay xaqiijiyeen illo degaanka ah.

Muuqaalka ay baahisay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo la sheegay in shalay laga soo duubay xeraddaas ayaa muujinayay meydadka qaarkood oo yaala gudaha iyo afaafka hore ee saldhiga.

Taliska ciidamadda Uganda iyo howlgalka ATMIS ayaan wali soo saarin tirokoobka rasmiga ah ee khasaaraha oo faahfaahsan. Isku-dayo xiriir lala sameeyay ayaa illaa haatan guuleysan.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Sareeye Guuto Felix Kulaigye, ayaa warbaahinta caalamka waxa uu u xaqiijiyay in ciidan gaaraya 221 askari ay ku sugnaayeen saldhiga markii la weeraray 26-kii May.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen 137 askari. Isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, ninka saddexaad ugu sareeya kooxda Mahad Karate ayaa dhankiisa wariyey dilka in ka badan 200.

Balse Kulaigye ayaa sheegay in Al-Shabaab ay buunbuuniyeen tirada. Sidee buu weerarkani u saameyn karaa howlgallada ciidanka Uganda ee Soomaaliya? Kulaigye waxa uu xusay in ay dhiiranaan kasii qaadayaan askarta.

"Waxay na siinaysaa go'aan dheeri ah si aan uga hortagno cadowga nabada Soomaaliya," ayuu hadalkiisa sii raaciyey. "Waxay la kulmi doonan cawaaqibka weerarkaas. Ma jiro qof weerara UPDF oo si xor ah u taga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM