Isku-dayada dilalka qorsheysan oo kusoo rogaal-celiyey Muqdisho

Image
Inkasta oo blooyin ay xasilooneyd, caasimada Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ku laabaneyso jawiga qaraxyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkasta oo caasimada Soomaaliya ay xasilooneyd dhowrkii bilood lasoo dhaafay, haddan labadii maalmood u dambeysay waxaa muuqanaysa in ay soo rogaal-celiyeen dilalka qorsheysan.

Labo qarax miino oo loo maleynayo in lala damacsanaa bartilmaameed gaar ah ayaa magaala madaxda ka dhacay aroorta 2-dii June, 2023 iyo fiidnimada 5-tii June, 2023 oo ay labo casho u dhaxeyso.

Qarax ka dhashay miino lagu xiray gaari ayaa aroorta 2-dii June, 2023 ka dhacay wadada Maka Al Mukarama gaar ahaan nawaaxiga saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Baabuurka ayaa lagu waramay in uu watay Axmed Garaar oo ah xogheynta gaarka ah ee Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wali ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyada falkan.

"Axmed Garaar wuu wanaagsan yahay. Nabaro yar-yar ayaa kasoo gaarey falkan. Laamaha ammaanka waan ku wargelinay. Laakiin illaa haatan warbixin sugan kama helin," ayuu Garowe Online u sheegay qof ku dhow dhibanaha.

Fiidnimadii 5-tii June, 2023, ugu yaraan afar askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku nafwaayeen tirro kalana ku dhaawacmeen qarax miino oo caawa ka dhex-dhacay guriga taliyihii hore booliska degmadda Hodan.

Hoyga Cabdifataax Qoslaaye ayaa ku yaalla xaafadda Shiirkole ee isla degmaddaas. Sarkaalkan dhalinyaradda ah ayaa lagu waramay in uu ka badbaadey weerarkan.

Qoslaaye ayaa dhowaan kasoo baxay xabsi ka gadaal markii loo xiray xilkana looga qaadey toogasho la sheegay in cutubyo kamid ah ilaaladiisa ay nin ganacsade ahaa ugu geysteen isgoyska Tarbuunka.

Illaa waqti-xaadirkan, ma jirto cid kamid ah hay'adaha nabad-gelyadda Soomaaliya oo warbixin fahfaahsan kasoo saartey qaraxan iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ku lahaa oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamadda amniga.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa inta badan sheegta weerarada noocaan ah. Balse, kooxda way ku dhiiran-weyday bilooyinkii dambe maadaama la cadaadiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM