Kala wareegga mowqifka Saciid Cabdullaahi Deni: Turid mise turaanturo?

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaadka yahay ee Puntland ayaa is-rogay kadib cadaadis siyaasadeed oo culus.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu gabagabadda yahay Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu ka noqdey damaciisa muddo kororsiga ee uu ku hoos-qariyay qabashadda doorasho toos ah ama qof iyo cod ah.

Deni oo habeenimadii Arbacada ka hadlay caasimadda Garowe ayaa waxa uu ku dhawaaqay in dib loogu noqonayo coddeynta ay 66-da mudane kusoo xulayaan hogaanka Puntland 8-da Janaayo 2024-ka.

"Aniga oo u damqanaya bulshadaydii, aniga oo dareensan duruufaha ku xeeran, waxaan aad uga xumahay go'aan aydan ku farxayn inaan qaato," ayuu ka sheegay munaasabada uu kaga dhawaaqay isbedelkan.

Go'aankan oo lama filaan ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay internet-ka ruxay ayaa waxa uu soo gabagabeeyay is-mari-waa siyaasadeed oo khatar geliyay amniga, nabad-gelyadda iyo kala dambeynta Puntland.

- Turid mise turaan-turo? -

Saacado kahor kala wareegga Deni, Isimada SSC-Khaatumo ayaa soojeediyay in doorashada waqtigeeda dhaafin, in baarlamaanka hadda joogo doortaan hogaanka iyo in xukuumada soo socoto hirgeliso qof iyo cod.

Qodobadan ayaa soo shaacbaxay kadib markii odayaashan ay la kulmeen Deni hase ahaatee wuxuu madaxweynaha waqtigu ka dhacay ku guuldareystay in waxgalka uu ku qanciyo raacista jihadda uu doonayo.

Tani ayaa waxa ay ka dhigan tahay in Saciid Deni uu waayay cid la xambaarta mashruuciisa oo aan ahayn xubnaha la dhacsan siyaasadiisa ayna taas keentay inuu geedi kasoo wareejiyo jihadii marka hore u socday.

Balse, taageereyaasha xukuumadda Deni ayaa go'aankiisa waxa ay ku tilmaameen "turid iyo tanaasul" hase ahaatee kuwa kasoo horjeeda waxa ay ku qeexeeen "turaanturo iyo madax dabriga soo taabtay".

- Dhaxalka Deni ka tagayo -

Isbadalka ku yimid Deni oo si dimuqraadi ah loo doortey shan sano kahor ayaa ka dhashay cadaadis siyaasadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka.

Ciidamadda amniga Puntland oo ku suntanaa tayo iyo akhlaakh suuban ayaa isku-dilay magaalooyin ay kamid tahay Boosaaso iyo Garowe sababo ku aadan isku-kooleynta Deni oo aaminay qoriga caaradiisa badalka xalka.

Dhaqaalaha Puntland ayaa si weyn hoos ugu dhacay. Dadweynaha ayaa la daalaadhacaya koror ku yimid maciishada oo qaali noqotay. Tani waxay ka dhalatay dakhligii dowladda oo Deni u adeegsaday xabad uu xukun ku raadiyay.

Kaalinta iyo maqaamka Puntland ee heer federaal ayaa si ba'an hoos ugu dhacay. Maamulka wuxuu galay go'doon siyaasadeed muddo labo sano ah. Tani waxay ka dhalatay markii Deni kala saari waayay dantiisa shaqsiga ah iyo danta guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM