Ma cabtaa Shaaha Sonkorta u badan, maxay u dhimi kartaa caafimaadka?

Image

Cabista badan ee Shaaha iyo khudaarta sonkorta leh (Juice) waxay kor u qaadaa xanuunada ku dhaca kalyaha sidaa waxaa lagu sheegey cilmibaaris dhowaan la shaaciyey.

Dadka caadeysta cabitaanadaan sonkorta leh ayey Cilmibaarayaasha waxay yiraahdeen waxay wajahaan khatartaan 61%.

Si kastaba, cilmibaaristooda ayaa ogaatey dadka Caba Shaaha iyo Khamriga Biirka la yiraahdo iney ku dhacaan cudurada Kalyaha ku dhaca [Kidney diseases].

Waxay kaloo sheegeen cilmi barayaasha in cabitaanada sonkortu ku badan tahay oo dhan sababaan in misaankaaga kor u kaco, cudurka dhiig karkuna kugu dhaco, marka dambena keena in sonkor kugu dhacdo, iyadoo sababta Kalya xanuun marka dambe.

Dalka Ingriiska oo kamid ah dalalka horey u marey lana socda heerka cafimaadka dadka ku nool ayaa la ogaadey in sanad walba dad gaaraya 40,000- 45,000 u dhintaan cudurada Kalyaha si kadis ah.

Mareykanka ayaa la sheegey isagana in 14% dadka ku nool ay qabaan cudurada dhiig-karka iyo macaanka. Warbixintaan ayaa sheegeysa in dalka Mareykanka cuduradaan marka la eego ay u badan yihiin dadka Madow marka loo eego kuwa Cadaanka ah.

Arinkaan ayaa warbixntaan sheegeysaa iney sababtey jeclaantooda cabitaanada macaanka ah - Keentana qofku inuu cayilo isagoo aan sameyn wax jimicsi ah taasoo sababta Kaadi Macaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM