Maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya: Isku-daneysi mise macaash raadin?

Image
Maalgelinta Ankara ayaa si gaar ah u beegsatay waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.

ANKARA, Turkey - Turkiga oo saaxiib dhow la ah dalka ku yaalla Geeska Afrika ee Soomaaliya ayaa maalgeliyay dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, waxaana ay siisay gargaar bani’aadanimo oo ballaaran.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, mugga ganacsiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya wuxuu gaaray $187.3 milyan sanadka 2018 iyo $250.85 milyan sanadka 2019.

Lacagahan ayaa waxa ay isugu jiraan tabarucaad toos ah iyo maalgelin uu Turkiga ku sameeyay dhismeyaal ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kuwaas oo loogu adeego dadweynaha.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, kaasoo sii xoojinaya xiriirka ka dib markii ay ku heshiiyeen heshiis difaac ah sanadkan.

Heshiiska waxaa ka mid ah gaadiidka, qeybinta, sifeynta, iibinta iyo howlaha adeegyada shidaalka iyo badeecadaha kale ee laga helo mashaariicda dhulka iyo badda.

Ajendaha tamarta ee Turkiga ayaa waxaa ku jira wax soo saarka saliidda ee beerta Gabar ee gobolka Şırnak ee koonfur-bari ee Turkiye, kaas oo ay mas'uuliyiintu ku dhawaaqeen in ay kor u dhaafeen 40,000 oo foosto maalinle ah dhawaan.

Jimcihii lasoo dhaafay, Turkiga ayaa sheegay in sanadka 2025-ka uu Soomaaliya ka fulinayo howlgal shidaal qodis ah oo laga qodayo badda Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka tamarta ee dalkaasi.

"Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inay ku jirto kayd shidaal, waxaan billaabi doonnaa shaqada seismic-ka, waxaan rabnaa inaan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025," ayuu yiri Alparslan Bayraktar.

Bishii Febraayo, Turkiga waxa uu Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, waxaana ay siin doontaa taageero dhanka amniga badda ah si dalka Afrikaanka ah uu u difaaco baddeeda.

Heshiiskaas ayaa waxa uu kusoo hagaagay iyadda oo ay Itoobiya is-faham buuq diblumaasiyadeed abuuray ay la gashay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland kaas oo ay ku dooneysay in ay ku hesho saldhig ciidan badeed iyo dhul xeebeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM