Madmadow soo wajahay qabsoomida shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qarka u saaran inuu la kulmo waji-gabax siyaasadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaki xooggan ayaa ku wareegsan inuu qabsoomi doono shirka uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxmuud u iclaamiyay in ay yeelanayaan madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda.

Kulankan ayaa Villa Soomaaliya waxa ay dooneysaa in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu qabsoomo 20-21 bishan April. Ajendaha ayay ku sheegtay dib-iu-eegista Dastuurka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Warar saacadihii lasoo dhaafay aad u xoogeystay ayaa waxa ay tibaaxayaan in qaar kamid ah madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda ay ka cudurdaarteen in aysan kasoo muuqan karin kulankan.

"Madaxwayneyaasha Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa illaa haatan u bareeray diidmadooda halka hogaamiyeyaasha Galmudug iyo HirShabelle ay cagajiid muujinayaan," ayay Garowe Online u sheegeen dad xog-ogaal ah.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in hogaamiyeyaashan ay dood xooggan ka qabaan waqtiga ay Madaxtooyadda Soomaaliya muddeysay shirkan halka kuwa kale ay u arkaan mashquulin siyaasadeed.

Iclaaminta Xasan Sheekh ee shirkan ayaa waxa ay timid dhowr todobaad kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu hoos-u-dhigay dalab degdeg ah oo ka yimid madaxda maamuladda marka laga reebo Puntland iyo HirShabelle.

Puntland ayaa mowqifkeeda si cad u sheegtay isla markaana ku dhawaaqdey in aysan ka qeybgalaynin shirkan iyadda oo cuksatay in aysan aqoonsaneyn hay'adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Waqtigaas waxa ay Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ay ka gadoodeen qodobada aan la isla ogayn ee Xasan Sheekh ku darsadey Dastuurka. Waxa tuhunka geliyay waa in lagu soo beegay xilli ay kor u hadli rabeen," ayuu raaciyay.

Inta badan madaxwayneyaasha maamuladda ayaa waqti xaadirkan waxa ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi halkaas oo ay wadaxaajoodyo siyaasadeed ku leeyihiin kahor inta aysan imaanin Muqdisho.

Sikastaba ha ahaatee, haddii ay noqoto inuu guuldareysto qabsoomida kulankan waxa ay waji-gabax iyo dharbaaxo siyaasadeed ku noqon doontaa Xasan Sheekh oo ay u bilaaban doonan maalmo madax-xanuun ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM