RW iyo Barlamanka DF Somalia oo kulmaya, maxay ka hadlayaan?

Image

MUQDISHU Jan 30,2015 [GO]- Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in maalinta Jimcaha Jan, 30 2015 ku kulmayaan guriga uu dagan yahay gudoomiyaha Barlamanka dowlada Federalka Maxamad Cisman Jawaari, xubno ka tirsan xildhibaanada  iyo Ra'isla wasaare Cumar Cabdirashid Sharmaake.

Kulankaan oo ah mid qado ah ayaa looga hadli doonaa sidii loo xalin lahaa caqabadaha hortagan in la ansaxiyo xukuumadii cusub madaama xildhibaano badan diidan yihiin.

Xildhibaanada ka tirsan kudlada la-magacbaxdey Badbaado Qaran oo kulan saacado badan qaatey Jan 29, 2015 ayaa isku raacey in hadii aan wax laga badalin xukuumada ka kooban 20-ka wasiir islamarkaana aan lasoo magacaabin qaybta dhiman ee golaha wasiirada codkooda kalsoonida ah siin doonin.

Guddi kudaldahaan iska soo xuleen oo la kulmey Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa waxey islagarteen in maalinta  [ Jimce] wadahadal ku yeeshaan aqalka gudoomiyaha Barlamanka.

Xukuumadda cusub ayaa in la ansaxiyo waxaa diidan Barlamanka Somalia qaybo ka tirsan kuwaasoo ku duraya golaha wasiirada ee cusub iney kamid noqdeen shaqsiyaad xiriir dhow la leh urur diimeedyada siyasdeed ee ka jira Muqdishu halka kuwa kalena horey loogu eedeeyey musuq-maasuq ay xilalkoodii ku waayeen.

Wakiilada dowlada Mareykanka iyo Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa qoraal ay soo saareen ku tageerey xukuumada cusub.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Su’aallo kasoo laabtey diyaarad gaar uu joogto u adeegsado Xamse

Diyaaradan waxaa leh wiil uu soddog u yahay madaxweynaha Jabuuti xilli Muqdisho sheegato in ay saaxiib la tahay Eritrea.

  • Maqaalo

    17-05-2024

  • 04:44AM

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM