Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Image
Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center kaasoo fadhigiisu yahay Imaaraadka ayaa daabacdey maqaal ay uga faallootay heshiiska dhanka difaaca dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

Maqaalkan oo si weyn loo akhristay ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya: Go'aan qaadasho laga baaraan-degay mise talaabo loo qaadey meel aan la aqoon"?

Joogitaan buuxa oo milatari

Heshiiska qaab dhismeedka Turkiga iyo Soomaaliya ee iskaashiga milatariga iyo dhaqaalaha ayaa ah mid aan horay loo arag marka loo eego heshiisyadda uu Turkiga horey ula galay xukuumadda Muqdisho.

Is-fahankan cusub ayaa waxa uu siisay Ankara ku dhawaad ​​awood maamul dhammaystiran oo ay ku yeelaneyso dhulka, badda iyo cirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Emirates Policy Center ayaa qoray in heshiiskan oo Turkiga siinaya joogitaan milatari buuxa gudaha Soomaaliya ay noqon karto fursad ay Ankara kula gorgortanto Mareykanka marka la isku yimaado miisaska wadahadalka.

Gorgortan heer caalami ah

"Tani waxa ay saameyn ku yeelan kartaa baaxadda iskaashiga ama khilaafka Ankara iyo Washington ee Bariga Dhexe," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qormadda wargeyskan aadka loo akhristo.

Sidda laga soo xigtey faalladda, heshiiska milatari ee la balaariyay ee u dhaxeeya Ankara iyo Muqdisho ayaa caqabad ku noqon kara qorshaha Itoobiya ee ah in ay marin ka hesho Badda Cas.

Soomaaliya ayaa kula degdegtay heshiiskan kadib markii Addis Ababa ay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland la gashay heshiis ay ku dooneyso saldhig ciidan badeed iyo bogcad badeed.

isku-fidinta Geeska Afrika

Tani ayaa waxa ay ku qasbi kartaa Itoobiya in ay u hogaansanaato damaca iyo rabitaanka Turkiga si uusan usoo socon heshiiskan ama ugu yaraan ay uga badbaado saameyn xun oo ka dhan ah danaheeda.

"Si kastaba ha ahaatee, Turkigu wuxuu aaminsan yahay in Addis Ababa ay mudnaanta siin doonto sii wadida xiriirka wanaagsan ee Ankara iyadoo la eegayo khilaafka joogtada ah ee Masar," ayay raacisay qormadda.

Hirgelinta heshiiska milateri Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ku xiran awoodda dhaqaale iyo ciidan ee Turkiga, iyo sidoo kale awoodda uu u leeyahay inuu maro caqabadaha la xiriira iyo xoojinta cilaaqaadka xukuumada Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM