Siyaasadda arrimaha dibadda: Labada jid ee u furan William Ruto

Image
Qadiyadan waxaa hoos-imaanaya gobolka gaar ahaan Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ugu caqabado badan tahay.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha la doortay ee Kenya, William Ruto, ayaa aragti ku saabsan ajandihiisa arrimaha dibadda ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka laga leeyahay Mareykanka ee CNN.

Ruto oo wareysiga bixiyey Arbacadda todobaadkii lasoo dhaafay ayaa waxa uu ballanqaaday inuu sare u qaadi doono ka qayb qaadashada dadaallada nabadda ee gobolka Geeska Afrika.

Xilli lagu wado in xilka loo dhaariyo 13-ka Sebtember, Ruto ayaanan ka hadlin isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda oo ku yimid tii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Uhuru Kenyatta.

Xafladda dhaarinta ayaa ka dhici doonta garoonka ciyaaraha Kasarani ee magaalada Nairobi. Dr Ruto ayaa la wareegaya hugaanka hoggaaminta Kenya iyadoo ay jiraan caqabado iyo fursado ka jira dalka, gobolka iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Fursad wuxuu haystaa uu kusii jid-raaco guulihii diblumaasiyadeed uu Kenya uga soo hooyay Uhuru kuwaas oo khuseeya dhinacyadda is-dhexgalka gobolka oo uu Kenya ka dhigay xudunta u ah mashaariicda nabadda iyo amniga ee gobolka, ama waxa uu mari karaa jidkiisa gaarka ah isaga oo wata xaaqin cusub oo siyaasadeed iyo dhaqaale.

Balanqaadkii waqtiga ololaha doorashada

Barnaamijkiisa siyaasadeed, Dr Ruto waxa uu ku sheegay in Isbahaysigiisa Kwanza Kenya ay ka go'an tahay is dhexgalka gobolka taasoo Kenya ka dhigi doonta mid ka mid ah xoogaga gobolka.

"Xukuumadda Kwanza ee Kenya waxay xaqiijin doontaa in dalka lagu ixtiraamo laguna qiimeeyo dibadda, waxay horumarin doontaa xiriirka saaxiibtinimo ee aan la leenahay dalalka deriska ah," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku darayaa: "Waxay door hoggaamineed ka qaadan doontaa arrimaha gobolka iyo guud ahaan Afrika, waxay iskaashi la yeelan doontaa saaxiibadayada caalamiga ah".waxayna ilaalin doontaa ballanqaadkeena ku aaddan bulshada caalamka".

Geeska Afrika marka laga hadlayo waxaa ugu horeeya Soomaaliya oo ay joogaan ciidamo badan oo Kenyaan ah kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee ATMIS.

Wareysigii uu siiyey CNN, Ruto wuxuu ku nuux-nuux-sadey in Soomaaliya ay ka jiraan "caqabado ay adag tahay in wax laga qabto" balse wuxuu xusay ahmiyada dalka uu la wareegto mas'uuliyada amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM