Soomaaliya: Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed oo gilgilanaya

Image
Wasiirkii warfaafinta maamulka oo ahaa kan ugu caansan golaha wasiiradda Ilyaas Cali Nuur ayaa iska casilay xilkii.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa gilgilanaya, iyada oo siyaasiyiin miisaan culus leh ay bilaabeen in ay iska casilaan xukuumadiisa xilli ay sii kordhayaan baaqyada kala duwan ee loo jeedinayo, ee ku aaddan in uu doorasho qabto.

Wasiirkii warfaafinta maamulka oo ahaa kan ugu caansan golaha wasiiradda Ilyaas Cali Nuur ayaa iska casilay xilkii, isaga oo sheegay in sababtu tahay dagaalkii Jimcihii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ilyaas oo ku caan ah "Macalin dugsigii Tiktoker-ka noqdey" ayaa tibaaxay "in damiirkiisa uu siin waayay in uu kasii mid ahaado xukuumad weeraraysa dadka, waa sida uu hadalka u dhigaye".

"Waxaan isku dayay in xaaladda la xaliyo, dagaalka laga baaqsado, dadka meesha galayna laga soo saaro, balse nasiib daro wixii dhan waa ay shaqayn waayeen," ayuu yir Wasiir Ilyaas Cali Nuur oo intaasi ku daray in madaxweynaha uu ballan uga baxay isaga iyo ugaaska beeshiisa oo galay dhexdhexaadinta hawsha.

Wuxuu wasiirkii hore sheegay in dowladnimadii uu isaga ka shaqeeyay in ay hano qaaddo loo adeegsaday in lagu laayo shacabka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Ilyaas marka uu hadlayo waxa uu ku suganyahay magaalada Baydhabo, balse kaligiis ma ahan.

Waxaa magaalada kula sugan siyaasi kale oo lagu magacaabo Shiine Macalin Nuuroow oo horey usoo noqday guddoomiyaha Bakool, kaas oo haysta ciidamo daacad u ah, kana soo horjeeda maamulka Lafta Gareen.

Waxaa kale oo Golaha Wasiirada laga eryay wasiirkii arrimaha gudaha iyo wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha sababo la xiriira hawlahan khilaafka siyaasadeed.

Warar kale oo laga helay illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa tibaaxaya in xubno kale oo sarsare oo maamulka ka tirsan ay u badantahay in ay goostaan ama dhanka kale kasoo jeedsadaan.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa saacado gudahood mas’uul cusub ku badeley wasiirkii warfaafinta Ilyaas Cali. Mas’uulka cusub ayaa lagu magacaabaa Cabdifataax Cali Aadan. Hase ahaatee, malahan saameyn siyaasadeed oo oo lamid ah wasiir Ilyaas Cali Nuur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM