Soomaaliya: Saddex faa'iido oo ku jirta qaaditaanka xayiraada hubka

Image
In ka badan 32-sano kadib, noocyada kala duwan ee hubka casriga ah ayaa lagu arki doonaa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 30-sano kadib, noocyada kala duwan ee hubka casriga ah ayaa lagu arki doonaa Soomaaliya ka gadaal markii laga qaadey xayiraadda hubka ee lagu soo rogay xagaagii 1992-dii.

Hogaanka dowladda federaalka oo ay ku jiraan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa go'aanka golaha ammaanka ku tilmaamay ku tilmaamay "guul taariikhi ah".

Lataliyaha ammaanka qaranka, Xuseen Macalin oo kamid ahaa kooxda ka shaqeyneysay mashruucan muddooyinkii ugu dambeeyay, ayaa qaaditaanka xayiraadan ku qeexay "bog cusub oo ka rogmaya taariikhda Soomaaliya".

Walaacyadda soo if-baxaya

Marka laga soo tago codadka taageeraya go'aankan, qeybo kale ayaa jira kuwaas oo ka digaya in talaabadan aysan horseedin in saanada iyo hubka ciidamadda ay helaan feejignaan iyo maareyn dheeraad ah.

Shaqsiyaadkan ayaa waxa ay xigsanayaan awooda ay dowladda u leedahay in ay xakameyso hubka soo galaya dalka maadaama aysan wada xukumin xuduudaha lagana yaabo in qarsoodi loosoo dusiyo hub aysan ogayn.

Maalmo kahor inta aan lagu dhawaaqin go'aankan, warar la xiriira soo laba-kacleynta weerarada burcad-badeeda Soomaalida ku beegsanayaan maraakiibta ajaaniibta ayaa kasoo cusboonaadey xeebaha dalka.

Saddex arrin oo ay caawineyso

Hase ahaatee, Xuseen Macalin oo ka jawaabaya walaacyadaas ayaa waxa uu tibaaxay in la sameeyay xafiis si gaar ah ula socon doono maareynta hubka kaas oo uu aas-aasay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Qaaditaanka xayiraadda hubka waxa ay Soomaaliya ka caawinaysaa in ay mas'uuliyada amniga kala wareegto Al-Shabaab, in ay u murqa-sheegato Al-Shabaab iyo in ay si buuxda ula soo noqoto gobonimadeeda," ayuu xusay.

Ciidamadda Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu waddaa in ay Soomaaliya ka hayaamaan bisha December ee sanadka 2024-ka wallow la saadaalinayo in qeybtood sii joogi karaan ku biiritaanka Dallada Bulshada Afrika aawadeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM