Su'aallo ka dhashay kulan dhexmaray Xasan Sheekh iyo "bulshada rayidka"

Image
Dooda ugu weyn ee hareysay fadhigan ayaa ah dadka kasoo dhex-muuqdey iyo magaca loogu yeeray.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadalheyn badan oo dhanka internet-kan ayaa waxa ay ka dhalatay kulan Talaadada maanta ah uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kula yeeshay xafiiskiisa Muqdisho ku dhowaad tobban qof.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay in is-araggan diiradda lagu saaray Hiigsiga Dowladda ee sanadka 2060-ka kaas oo Isniintii shalay ahayd uu magaaladda Muqdisho ka daahfuray Teendhada Afasiyooni ee magaalada Muqdisho.

Sidda laga soo xigtey qoraalka Villa Soomaaliya, is-araggan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal-qaadey ku biirida Soomaaliya ee Dalladda Bulshadda Bariga Afrika oo ololaheeda uu soo bilowday sanadka markii uu ahaa 2012-kii.

Balse, dadka ka falceliyey kulankan oo isugu jira siyaasiyiin iyo dad shacab ah oo faallooda ku dhiibtey Facebook-ga ayaa waxa ay si weyn u naqdiyeen xubnaha xaadiray kulankan iyo magaca loogu yeeray oo ahaa “Bulshadda Rayidka”.

Dadweynaha qeybta faallada uga falceliyey qoraalka madaxtooyadda ka faafisay kulankan ayaa qeybtooda waxa ay soo qoreen “Shaqaalihii dowlada goormey noqdeen bulshada rayidka” iyo “bulashadii rayidkaa yaabtay kkkk shaqaalaha guriga madaxweynaha miyaa nooga dhigteen rayyid”.

Hase ahaatee, taageereyaasha Villa Soomaaliya ayaa si weyn uga hor-yimid faallooyinkan waxaana ay sheegeen in "madaxweynaha uu qaabilay hal-doorka dhalinyaradda iyo aqoonyahanka".

Dhanka kale, kulankan waxaa kasoo dhex-muuqdey kaasoo meel gees ah kuna dhow Xasan Sheekh fadhiyey Abshir Bukhaari oo ah Wasiir-dowlaha xafiiska madaxweynaha kaasoo la aaminsan yahay in uu lahaa abaabulka kulankan.

Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan xafiiska warfaafinta ayaan ka jawaabin su’aallaha kasoo noqdey kulankan. Isku-dayo xiriir oo warsidaha Garowe Online uu la sameeyay ayaan guuleysan ama aysan ka jawaabin dalabkeena.

Sikastaba, madaxda Soomaalida qeybtooda ayaa si weyn waxa ay u boor-bidaan in kulamadda ay la yeelanayaan qeybaha bulshadda waxa ay boor-bidaan in fadhiyada ay u camiraan dad u sacaba-tumaya ama qaar ku heyb ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM