Tirada ciidamadda Uganda ee "lagu dilay" weerarkii Buulo Mareer

Image
Ku dhowaad 800 dagaalameyaal Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay ka qeyb-qaateen gulufkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tirada dhimashada ciidamada Uganda kasoo gaartey weerarkii Al-Shabaab ee degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa u dhaxeysa 50 illaa 100, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo sirdoon.

Weerarkan oo ku bilowday is-miidaamin loo adeegsaday gaari ayaa waxaa ka qeyb-qaatay boqolaa kamid ah dagaalameyaasha gacan-saarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Al-Shabaab oo war-saxaafadeed degdeg ah soo saartey kadib gulufkaas ayaa sheegatay in ay dishay ku dhowaad 137 askari oo ka tirsan ciidamadda Uganda isla markaana ay tobanaan kale gacanta ku dhigtey iyaga oo nool.

Isagoo aan shaacin tirada khasaaraha, madaxweynaha Uganda ayaa ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamadiisa ka tirsan ATMIS ee degmada Buulo Mareer gobolka Shabeellaha Hoose 26-kii May.

Yoweri Museveni oo qoraal ku daabacay Twitter-ka ayaa sheegay in ilaa 800 oo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ay ka qeyb qaateen weerarka, isaga oo qiray in mitidiinta ay "cagta mariyeen" saldhigga.

"Qaar ka mid ah askartii halkaas ku sugneyd ayaan soo bandhigin wax-qabadkii laga filayey, argagax ayayna ku dhaceen, taasoo keentay in ay is-habeeyaan, Al-shabaab-na ay ka faa'iideysteen," ayuu yiri.

Museveni ayaa waxa uu intaas ku daray: "Hawlgallada Soomaaliya iyo masraxyadda kale, waa hawlgallo dagaal ee maaha hawlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka Qaramada Midoobay".

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa tibaaxay in ay aad uga xun yihiin beegsiga saldhiga degmada Buulo-Mareer, waxaana uu tacsi u diray ehelada askarta dhimatay.

"Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer oo ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS," ayuu yiri Matthew Miller.

Miller ayaa intaas ku daray: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha waxaanan u rajeyneynaa caafimaad buuxa kuwa ku dhaawacmay. Mareykanka wuxuu bogaadinayaa geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalkan muhiimka ah".

"Waxaan ku garab taaganahay saaxiibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta argagixisada iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida dadka Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Howlgalka ATMIS oo qoraal rasmi ah faafiyey ayaa sheegay in ay iska-caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer. Balse masoo bandhigin khasaaraha soo gaarey ciidamadooda.

Xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa wariyay in ay "cagta mariyeen" xeradan isla markaana ay nolosha ku qabteen askar u dhalatay Uganda.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli uu bilaha soo socda ay bilaabaneyso dhimista ciidamada Midowga Afrika taasoo qeyb ka ah bixitaanka guud ee bisha December, 2024 taasoo Muqdisho ay kula wareegeyso ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM