Villa Soomaaliya oo u han-qal-taageysa in ay qalad ku saxdo gaf kale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa waxaa laga yaabaa in ay jawi doorasho gasho laga bilaabo bisha soo aadan ee December, 2020, waxaana ay kusii jiri kartaa ugu yaraa illaa iyo bisha Febraayo ee sanadka dambe ee 2021.

Iyaddoo la cuskanayo is-qabqabsiga ka taagan guddiyadda doorashooyinka ee la magacaabay, mar-xaladaas waxaa dhici karta in jahwareer ay isku rogto.

Guddiyaddan lagu muransan yahay ee loosoo xulay in ay maamulaan coddeynta ayaa kala ah; Koox isku-dabarideysa doorashooyinka dadban iyo koox kale oo waajibaadkoodu yahay in ay xaliyaan khilaafyadda ka yimaada coddeynta.

Inkasta oo ay ku yimaadeen heshiiskii doorasho ee madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha maamulada, mucaaradka oo duray xubnaha guddiyadda lagu soo daray ayaa xusay in ay u badan yihiin sirdoon iyo shaqaale dowladeed.

Bayaan wadajir oo ay soo saareen 12 murashax madaxweyna ayay kaga digeen in ay qaadici doonan tartanka hadii isbedel lagu sameyn waayay guddiyada, iyadoo xusay in aysan aqbali karin doorasho loo qaabeeyay boob iyo ku shubasho".

Taariikhda ayaa ina bareysa in la dhageysto oo xataa wax laga qabto cabashooyinka laga muujiyo guddiyadda doorashooyinka madaxtinimadda.

Murashaxiinta oo taabtay qodob muhiim ah ayaa ku doodaya in mas'uuliyiinta lasoo magacaabay ay la shaqeeyaan Farmaajo, sababtaas awadeedna ay macquul tahay in ay ku dhaqaaqaan talaabooyin u adeegaya in uu soo laabto.

Gudaha Soomaaliya, daacadnimada ayaa joongeysa siyaasadda. Maxaa damaanad-qaadaya in mas'uuliyiinta lagu daray guddiyadda aysan u xaglin doonin qorshaha doorasho ee murashax kamid ah kuwa baratanka ku jira?

Xaqiiqo, doorasho geedi u socodka natiijadeeda aysan aqbalin ka qeyb-galeyaasha ayaa sababi karta dhibaato qof walba isku dayay in uu ka fogaado; xasilooni daro. Hadii madaxweynaha iyo maamulkiisa ay ka shaqeeyaan dhaqanka Soomaaliya ee kala guurka nabadeed, ugu yaraan magacaabida garsooraha waa in uu ku yimaadaan qaab wada ogol ah, bedelkeed hadii la maroorsan lahaa.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in maalmaha soo aadan ay murashaxiinta ku shiri doonan Muqdisho, iyagoo xoojinaya dalabyadooda kuna goodinaya qaadicid taasoo meesha ka saareysa sharciyada doorashada.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu waramay in bulshadda uu kasoo jeedo ay gaarsiiyeen fariin iyagoo ka cabanaya saamigooda guddiga doorashada.

Wallow durba uu qaadey talaabooyin loo xagliyey dhanka ololaha doorashada madaxweyaha, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka, Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la gudboon in uu kusoo laabto doorka dhexdhexaadnimada.

Waxyaabo ay tahay in Soomaaliya laga fogeeyo ayaa jira. Dalka wuxuu horey uga badbaadey duufaano, mana ahan in tani ay dhankaas u kaxeyso. Balse mar walba waxaa furan fursad looga wadahadli karo qodobadda la isku khilaafo.

Wallow go'aan walba oo dowladeed uusan qof walba ku farxi karin, haddana kooxda maamuleysa doorashada oo laga fogeeyo xukuumadda talada haysaa waxay burburineysaa fursad kasta oo khatar ku ah dhexdhexaadnimadooda.

Tani waa sababta Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], uu si aan sal iyo baar lahayn u duray dooda mucaaradka. Qiilkiisa ku saleysan in guddiyaddan aysan ka duweyn kuwii 2016-kii xal uma noqon karta cabsida murashaxiinta mucaaradka ee sirdoonka basaasi karo tartankooda.

Iyaddoo ay run tahay in shaqaalaha rayidka ay aalaaba kamid noqdaan guddiyadda, balse la iskama indha tiri karo in ay dhinac u jaranjeeraan.

Doorashadda soo aadan waa waajib in ay ku qabsoonto jawi wanaagsan. Beeluhu way soo dooran doonan ergadda, balse doorka guddiyaddan ee ku aadan cidda soo baxeysa waa meesha ugu culus ee saameynta ay ku yeelan karaan.

Ra'iisul Wasaaruhu wuu ku doodi karaa in uu raacayo sharciga. Balse waxaa hubaal ah, jadwalka doorashooyinka waxaa lagu meelmariyey gacmaha dowlad waqtiga kasii dhamaanayo. Taasna kama dhigna in kasoo bixi karto qanacsanaan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM

Maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya: Isku-daneysi mise macaash raadin?

Maalgelinta Ankara ayaa si gaar ah u beegsatay waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.

  • Maqaalo

    21-04-2024

  • 06:11AM