Soocadde oo la kulmey saxaafada Mudug [Dhageyso]

Image

24 August, 2015 (GO)- Wasiirka wasaarada warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan "Soocadde" oo la hadlay Radio Garowe ayaa ka warbixiyay safar uu maanta ku tagay magaalada Gaalkacyo iyo kulan uu la qaatay saxaafadda gobolkaasi.

Halkan ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka 

Soocadde ayaa sheegay in kulan gaara la qaatey madaxda hay'adaha warfaafinta ee gobolka Mudug isla markaana ka wada hadleen wada shaqaynta wasaarada iyo saxaafadda.

"Waan balanay safaaxadda, waxaaana ka wada hadalnay sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha horumarinta bulshada iyo baahinta shirka wada tashiga Puntland ee berri dhacaya" ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa wax laga  waydiiyay cabasho ka soo yeertay shaqaalaha Puntland Tv oo hoos yimaada wasaarada warfaafinta isagoona ka gaabsaday in faahfaahin ka bixiyo mushaar la'aanta soo food saartay howl-wadeenada 

 
GAROWEONLINE

Related Articles

Boosaaso: Soo Kabasho Dhaba iyo Rajo Mustaqbal Ifaya

Amniga oo ah saldhigga horumar kasta, waxaa magaaladda Boosaaso ka muuqata xasillooni sii xoogaysanaysa.

  • Maqaalo

    05-05-2026

  • 04:52AM

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM