Soocadde oo la kulmey saxaafada Mudug [Dhageyso]

Image

24 August, 2015 (GO)- Wasiirka wasaarada warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan "Soocadde" oo la hadlay Radio Garowe ayaa ka warbixiyay safar uu maanta ku tagay magaalada Gaalkacyo iyo kulan uu la qaatay saxaafadda gobolkaasi.

Halkan ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka 

Soocadde ayaa sheegay in kulan gaara la qaatey madaxda hay'adaha warfaafinta ee gobolka Mudug isla markaana ka wada hadleen wada shaqaynta wasaarada iyo saxaafadda.

"Waan balanay safaaxadda, waxaaana ka wada hadalnay sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha horumarinta bulshada iyo baahinta shirka wada tashiga Puntland ee berri dhacaya" ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa wax laga  waydiiyay cabasho ka soo yeertay shaqaalaha Puntland Tv oo hoos yimaada wasaarada warfaafinta isagoona ka gaabsaday in faahfaahin ka bixiyo mushaar la'aanta soo food saartay howl-wadeenada 

 
GAROWEONLINE

Related Articles

Su’aallo kasoo laabtey diyaarad gaar uu joogto u adeegsado Xamse

Diyaaradan waxaa leh wiil uu soddog u yahay madaxweynaha Jabuuti xilli Muqdisho sheegato in ay saaxiib la tahay Eritrea.

  • Maqaalo

    17-05-2024

  • 04:44AM

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM